Turkigu wuxuu taageeraa shakhsi sii yaa Farmaajo ma taageero qaranimada Soomaaliya

 


A C-WARAR

Damaca turkiga kaleeyahay khayraadka somaliya ayaa sii kordhaya marba marka ka danbaysa wuxuuna ku haminaya ordugan siduu kusoo celin lahaa farmajo madaama uu u arko wadadu u mari lahaa khayraadka dhulka somaliyeed sidaa darteed wuxuu ku hanwayn yahay inuu farmajo kusoo celiyo qaab musuq-maasuqaysan isagoo adeegsanayo awood iyo dhaqaale uu ku bixinayo in loo afduubo arimaha doorashada somaliya

Taageerada iyo hubka Erdugan siinayo Farmaajo ayaa meesha ka saaray xoriyadii iyo dastuurkii qaranka somaliyeed waxayna Farmaajo udhib yaraysay inuu noqdo kaligii taliye aan cidna dhag udhigin

Dalka Turkiga ayaa utaageerayaa Farmaajo si shakhsi ah, isagoo kusoo dhuumanaya inuu taageerayo qaranka iyo shacabka somaliyeed, Waxaanu u arkaa farmajo wadaduu usoo mari lahaa khayraadka Somaliya

Xiriirka somaliya ay la leedahay dalka Turkiga kama dheefin waxaan ka ahayn faragalin joogto ah siyaasad guracan iyo hub lagu laayo shacabka rayidka ah xaqiiqada aanay ogayan in badan oo ka mida ah shacabka somaliyeed ayaa ah in xiriirka dalka Turkigu inoo horseeday argagixisada inay ku faafto dhulkeena iyo qaraxyada maalin walba ka dhaca gudaha somaliya

Soomaalidu waa dad aragti Fog Oo garaad mug iyo miisaan wayn. Leh inta badana waxay wax ku cabiraan Oo ay adeegsadaan Murti dhaxal gal Noqota Oo Bulshada usaamaxda ineey qarniyo adeegsadaan

Dawlada turkiye  waxaan ugu baaqayaa ineey faragalinta iyo dhagriga Iyo Digashada naga dayso.

SHACABKA SOOMAALIYEED NA WAXAAN UGU BAAQAYAA INEEY UDIYAAR GAROOBAAN SIDII AY UGA HORTAGI lahaayeen falalka la idinku liidayo iyo Dadka duulaanka idinku ah wax walba waa idiin muuqataa

Post a Comment

0 Comments