Banaanbaxa ee ku baaqdey berri Hooyada ikraan tahlil

 






A C-WARAR

khilaafka Farmaajo iyo Rooble u dhexeeyo ee xil ka qaadista Fahd Yaasiin ee la xiriiro dilka Ikran Tahlil  ayaa hooyadeed ka soo muuqatay wareysi telefishan oo ay ku codsanaysay banaanbax berri ka dhaca gobolka Banaadir kadib markii uu Farmaajo la kulmay shalay ciidamadii iyo hoggaamiyeyaasha amniga oo daacad  u  ah farmajo 

banaanbaxan ayaa noqon doono afti laga qaadayo sharcinimada Farmaajo waqtigeedu dhamaaday Banaanbaxa bari muqdisho kadhacaya ayaa ah mid lagu taageerayo mowqifka Raiisul Wasaaraha oo runtii ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa cadaalad umada Soomaaliyeed.

Sidaa darteed dhamnaan shacabka muqdisho inay ka qayb galaan banaanbax lagaga dhiidhinayo dulmiga iyo dilalka xaq darada ah ee dawlada farmajo kula kacayso muwaadiniinta somaliyeed

Dhinacakale Waxa xusid mudan in amniga dalka iyo awooda ciidanba uu haatan gacanta ku hayo Ra`iisal wasaare rooble, taas oo ka dhigan inaan shacabka somaliyeed la cabudhin karin hadda kadib oo ay awoodaan banaanbax iyo inay dareenkooda cabiri karaan wakhti kasta

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA ayaa ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir hooyo Qaali ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadcelisay go’aankii uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan cadaalad loogu raadinayo gabadheeda Ikraan

Post a Comment

0 Comments