Bollywood: 4 filim oo uu Salman Khan diiday balse uu Shahrukh Khan magac weyn ku helay

 


A C-WARAR

Salman Khan iyo Shahrukh Khan waxay ka mid yihiin xiddigaha filimada ee ugu caansan Hindiya, waxayna masraxa hoggaaminayaan in ka badan 30 sano.

Labadan xiddig oo dhashay 1965-kii waxay filimada ku biireen isku waqti waxayna waji cusub u yeeleen habka jilitaanka filimada Bollywood-ka, oo ay guulo taariikhi ah kasoo hoyiyeen.

Ilaa maanta oo ay wali magac weyn ku leeyihiin jilitaanka waxay heystaan taageerayaal badan, xirfaddoodana ma istaagin.

Salman ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo filimka uu hadda ku mashquulsan yahay Shahrukh ee lagu magacaabo Pathan, labadoodana waa saaxiibbo isku dhow.

Laakiin marka taariikhdooda jilitaanka dib loo eego waxaa jiray dhowr filim oo Salmaan Khan uu ku gacan seyray balse uu Shahrukh Khan qaatay, guulo waaweynna kasoo hoyiyay.

1- Baazigar

Salman Khan qudhiisa ayaa shaaca ka qaaday in markii hore loo soo bandhigay filimka Baazigar ka hor inta uusan soo jilin Shahrukh Khan.

Wareysi uu bixiyay ayuu xiddiggan caanka ah ku yiri: "Waa iska diiday Baazigar. Markii uu Abbas-Mustan ii yimid isagoo qoraalka filimka wada, aabbehey ayaan la tashaday. Wuxuu ku taliyay in maadaama uu yahay door laadarnimo ah ay ku khasban yihiin in ay hooyada qayb uga soo daraan. Way aqbali waayeen.

"Markii aan filimka ku gacan seyray, waxay u tageen Shah Rukh, kaddibna hooyadii ayay qayb uga soo dareen! Laakiin kama qoomameynin gebi ahaanba."

Filimka Baazigar waxa uu soo baxay bishii November ee sanadkii 1993-kii, waxaana Shah Rukh Khan ku wehlinayay jilayaasha ay ka mid yihiin Kajol iyo Shilpa Shetty.

2- Dilwale Dulhania Le Jayenge

Ka hor inta uusan Shah Rukh Khan soo jilin filimka Dilwale Dulhania Le Jayenge, waxaa lasoo tabiyay in doorka magaca atooraha ee la yiraahdo Raj Malhotra loo bandhigay Salman Khan.

Xitaa Saif Ali Khan ayaa laga codsaday inuu booskaas galo, laakiin waxaa la sheegay in labadoodaba ay iska diideen.

Lama oga sababta ay labada atoore dhagaha uga fureysteen codsiga filimkaas.

Hase yeeshee, markii dambe waxaa qaatay Sharukh Khan, filimkiina waxa uu noqday mid laga daba dhacay.

Dilwale Dulhania oo soo baxay bishii October ee sanadkii 1995-kii waxaa Shah Rukh ku wehlineysay Kajol.

3- Chak De! India

Salman Khan ayaa mid ka mid ah wareysiyada lala yeeshay ku qirtay in loo soo bandhigay jilitaanka filimka Chak De! India balse uu diiday.

Sababta waxa uu ku sheegay, inuu dhibaato ku qabay magaca uu watay filimka. Warbaahinta Indiya waxay sheegeen inuu diidayay inuu niyad jebiyo ama ay ka xumaadaan taageerayaashiisa kasoo jeeda Pakistan iyo Bangladesh.

Qisada filimka waxay ku saabsan tahay nin xiddig ciyaaryahan ah oo loo arkay inuu waddankiisa khiyaanay balse marka dambe muujinaya inuu qarankiisa daacad u yahay.

Waxaa kale oo kasoo muuqday atariishooyinka kala ah: Vidya Malvade, Chitrashi Rawat iyo Sagarika Ghatge.

4- Kal Ho Na Ho

Sida ay tabiyeen wargeysyada ugu caansan Hindiya, Salman Khan waxaa loo xushay inuu filimka Kal Ho Na Ho ku jilo doorka uu qaatay Saif Ali Khan.

Balse Salman ma uusan dooneynin inuu atooraha labaad ka noqdo filim uu hoggaamiye ka yahay Shah Rukh Khan, sidaas awgeedna wuu diiday.

Filimka Kal Ho Na Ho ayaa noqday mid ka mid ah filimada loogu jecel yahay Bollywood-ka, waxaana Sakh Rukh iyo Saif ku wehliya atariishada lagu magacaabo Preity Zinta.

 


Post a Comment

0 Comments