Farmaajo sababta uu Guddi ugu magacaabay Kiiska Ikraan Tahliil ayaa ah in la damiyo Kiiskaan

 


A C-WARAR

Farmaajo ayaa guddi u saaray in ay soo baaraan arrinta Ikraan Tahliil Faarax oo sababtay khilaaf aad u adag oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya waxay labadii sano ee la soo dhaafay magacowday guddiyo kala duwan si ay u soo baaraan xaalado abuuray hadal hayn badan oo bulshada dhexdeeda saameyn ku lahaa Guddiyadaas ayaan dib loo maqlin mana aysan soo bandhigin wixii ka soo baxay baaritaannadii loo diray

Cadaaladdu waa aasaaska nolosha iyo dowladnimada, cadaalad la,aantuna waa waxii dumiyey hanaanka dowladnimadeena, bulshadeenana dhex dhigay colaadda iyo uurkutaalooyinka mahadhada noqday.

Gudiga uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil waxaan u arkaan inuu yahay isku day la rabo in lagu marin habaayo bulshada Soomaaliyeed, laguna carqaladeeyo cadaaladda. waana isku day lagu doonayo in kiiska lagu aaso, waxba kama jiraan looga dhigo.

Sida aan wada ogsoonahayna kiiska gabadhu waxuu horyaala maxkamad, sidaa daraadeed waa in maxkamadda loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.

Haddiiba kiiska loo magacaabayo gudi soo baara waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo guddi madax banaan oo kaashanaya khubaro iyo xeeldheerayaal caalami ah. Haddii kale kiisku waxuu horyaala maxkamade ha loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.

Oday Farmaajo kiiska Ikraam dhexdhexaad ma ka yahay marka hore? Guddiga baaraya see NISA oo gabadha afduubkeeda loo aanaynayey xubin uga noqonaysaa? Marka baaritaankan la sheegay la soo dhameeyo ma Farmaajo ayaa maxkamad ah oo loo soo gudbinayaa?

Mas’uuliyiin dekereeto Farmaajo horey ugu magacownaa haddana guddi ahaan loo qortay sidee looga filan karaa cadaalad?!

Sow uma muuqato warqaddani mid isbaaro loogu dhiganayo maxkamadda ciidanka ee kiiskan RW Rooble horey ugu gudbiyey? Tan kale se, ehelka Ikraam waxay gal dacwadeed geysteen maxkamadda CQS oo ay xaq u lahaayeen sow ayana carqalad la hordhigay uma muuqanayso!?

Si kastaba gacan daahir ah ayaa wax daahirisa, natiijada laga filan karo guddigaana waa la yaqaan oo waa waqtiga oo la jiido, waxbixin dhinac u janjeerta iyo kiiska oo afka meel kale loo aadiyo ayadoo laga leexinayo kuwii ku lugta lahaa!

 

Post a Comment

0 Comments