Gudiga Doorashada Somalia oo ku dhowaaqay Jadwalka Cusub

 


A C-WARAR

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa lagu shaaciyey jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo sida lagu sheegay qoraalka guddiga in lagu saleeyey heshiisyadii laga gaaray qabsoomida doorashada.

“Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 May lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

17-ka ilaa 23-ka bishaan ayaa loo asteeyey in lagu soo gudbiyo liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo laga sugayo madaxda maamul goboleedyada dalka.

25-ka ilaa 28-ka bishaan July ayaa loo asteeyey in la qabto doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoo natiijada doorashadaas lagu dhawaaqi doono 1-da Agoosto 2021.

2-da illaa 11-ka bisha soo socota ee Agoosto waxaa la soo xuli doonaa guddiga soo xulaya ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka. Iyadoo 15-ka bishaas kagu dhawaaqi doono xubnaha guddigaas.

20-ka ilaa 25-ka Agoosto ayaa loo asteeyey in lasoo gudbiyo liisaska ergada doorashooyinka, iyadoo 10-ka September la shaaci doono liiska kama dambeysta ah ee Ergada. Waxaana 11-ka September illaa 10 October lasii doono tababar la xariira qaabka doorashada loo qabto.

7-da bisha September ayaa loo asteeyey in la qabto araajida musharaxiinta golaha shacabka, waxaana 12-ka September lagu dhawaaqi doonaa magacyada musharaxiinta golaha shacabka.

20-ka bisha September ilaa 5-ta bisha October waxaa dhici doonta ku dhawaaqidda natiijada kama dambeysta ah iyo shahaado siinta Xildhibaanada la doortay. Iyadoo ugu dambeyn 7-da October la dhaari doono.

Dhanka kale shacabka somaliyeed ayaan marnaba ku qanacsaneyn wax ka beddelka lagu sameeyay sharciga doorashada iyo wadooyinka loo marayo waayo waxay u dhib yaraynaysa in is daba marin lagu sameeyo arimaha doorashada si farmajo marlabaad loogu soo saaro si sharci darro ah.

Guddiga Doorashooyinka Somaliya ayaa cadaadis kala kulmaya Farmaajo iyo madaxda gobollada isaga daacada u ah, oo isadaba marin iyo musuq waday tan ilaayo markii arimaha doorashada labilaabay.

 

Post a Comment

0 Comments