Cabsidu waxay dishaa Riyada. Cabsidu waxay baabi’isaa Rejada. Cabsida waxay
qofka ka dhigtaa curyaan iska fadhiya, Cabsi waa waxa ka hor taagan qofka in uu
gaaro yoolkiisa, Cabsida badan waxay qofka u keentaa caafimaad darro. Dad badan
waxa ay sameyn lahaayeen ama gaari lahaayeen nolosha waxay uga joogsadeen Cabsi
ah amaad gaari weydaa, amaad fashilantaa.
Waxaad u baahan tahay Geesinimo aad ku raacdo waxa Qalbigaaga iyo Niyadaada
ku jira, way garanayaan waxa aad dhab ahaantii rabto in aad noqoto ama sameyso,
cabsidaada uun baa ku celinaysay.
Jooji Cabsida, Jooji cabashada, Jooji cududaar sameyn, Jooji cambaarayn
& cillad raadin. Aqbal in aad adigu mas’uul buuxa ka tahay noloshaada.
Noloshu waa Safar gaaban laakiin waa Safar qurux badan. Adiga keliya ayaana ka
mas'uul ah inaad tayeyso ama talo xumaato oo tub qaldan raacdo. Ka faa'iideyso
Fursada Qaaliga ah ee Nolosha. Ha ka cabsan Mustaqbalka, Ha ka baqin fashil ama
diidmo, Ha ka cabsan waxa dadku ku oranayaan ama kuu arki doonaan.
Ogow Dadku inta badan ma jecla in ay Runta maqlaan sababtoo ah waxay ka
cabsanayaan in khiyaaliga iyo dhalanteedka ay ku jiraan la burburiyo, laakiin
hadii aad rabto in aad isbedesho, guuleysato ku dhaqan hal Sharci; Naftaada
Been ha u sheegin, Runtana ha ka cararin.
Nin baa wuxuu yiri, “Been ma sheego sababtoo ah qofna kama baqo aan ka
ahayn Alle SWT. Waxaad been u sheegtaa sababtoo ah cid baad ka cabsaneysaa”
Xusuusnow: Geesinimadu ma aha in Cabsi ka maqan tahay ama uusan cabsan.
Geesinimadu waa in aad wajahdo wax kasta oo aad ka cabsaneyso. Geesinimadu waa
in aadan u oggolaan Cabsi in ay ku joojiso.
Dad kala duwan oo Sariirta saaran ayaa la su'aalay, "Ma jiraan wax aad
ka shalaynaysaan?" Waxay ku jawaabeen si isku mid ah "Haa waxaan ka
qoomameyn Fursadihi aynaan ka faa'iideysan, Nooci Nolosha Runta ah ee
Qalbigeenu rabay in aan ku noolaano laakiin aan ka cabsaneynay, iyo Go'aanadi
aan sugnay waqti dheer in aan qaadano"
0 Comments