Isticmaalka Mobile-ka: Ma ogtahay in telefoonka uu burburin karo noloshaada?

 


A C-WARAR

Telefoonka gacanta waa aalad yar oo saameyn weyn ku leh nolosheenna, kuwa sida wanaagsan u isticmaalana waxay ka heli karaan faa'iidooyin aad u badan.

Dunida teknolojiyadda ayaa la micno ah in adeegsiga telefoonka gacanta uu caan yahay sanad walbana ay malaayiin qof ku soo biiraan adeegsigiisa.

Waxay tani fududeysay xiriirka iyo adeegyada dunida.

Haddana adeegsiga telefoonka gacanta ayaa wata khatartiisa gaarka ah taas oo dadka intiisa badan aysan marka hore rumeysan inay saameyn ku yeelan karto caafimaadkooda, caafimaad ahaan keliya maahee xitaa jir ahaan iyo xitaa inay khatar gelin karto noloshooda.

Haddii aadan ogeyn in telefoonka aad maalin walba isticmaasho uu burburin karo karo noloshaada - waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa afar siyaabood oo aad halis ku geli karto haddii aadan si fiican u adeegsan telefoonkaaga

Telefoonku wuxuu 'beddeli karaa dabeecaddaada la dhaqanka bulshada' Tani way caddahay oo dadka ku takhasusay cilmu-nafsiga ayaa sheega in teleofonku uu soo bixin karo dabeecadda qofka gaar ahaan marka ay timaaddo la dhaqanka bulshada.

Ma aha wax lala yaabo in dadka dhalinyarada ah ay isticmaalaan teleofonka gacanta iyaga oo aad u da' yar, gaar ahaan marka ay awoodaan inay dadka si fiican ula xiriiraan.

Waxay qabatimeen isticmaalka telefoonnadooda, marka aysan heysanna waxay noloshooda noqotaa mid aan caadi ahayn waxaana laga yaabaa inay xanuunsadaan. Meeqo jeer ayaad qof la hadashay balse uusan xitaa ku soo eegeyn?

Indhihiisa iyo dhammaan dareenkiisa waxay ku wajahan yihiin telefoonkiisa.

Tani waxaa sabab u ah dabeecado haddii aan la xakameyn noqon kara kuwo qofku la qabsado oo saameyn ku yeesha. Weligaa telefoonkaaga maka maqnaatay muddo 24 saacadood ah?

Ma dareentay inaad tabeyso wax ka maqan noloshaada? Marka waxaa jira dad aan howlahooda kale qabsan karin ilaa ay telefoonnadooda gacantooda ku jiraan.

Waxaa sidoo kale jira kiisas badan oo ku saabsan caruur guriga jooga oo aan wax daryeel ah ka helin waaliddiintooda oo kaga mashquulay telefoonnadooda isla markaana gabay inay xitaa waqti ay ku dhegeystaan amaba kula cayaaraan siiyaan caruurtooda.

 

Post a Comment

0 Comments