Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee
gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in caawa qarax xoog leh oo ka dhacay
gudaha Maqaayad ku taalla magaalada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo
kale ay ku dhaawacmeen.
Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyootay
qaraxa, halka ugu yaraan shan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen
dad goobjoogayaal ah, waxaana haatan dhaawacyada dadkaas lagu dabiibayaa
isbitaalada magaalada Kismaayo.
Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu
sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha
Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen.
Sida aan xogta ku helnay Farmaajo
wuxuu awoodi waayay inuu fuliyo ballanqaadyadiisii iyo hadalladiisii haddana
wuxuu isku dayayaa inuu meesha ka saaro heshiiskii muqdisho ee ahaa inuu
oggolaaday in awoodda amniga iyo doorashada lagu wareejiyo rooble oo kaliya si
loo carqaladeeyo qabsoomidda doorashada oo xukunka lagu sii jiro
maadaama Jubaland ay tahay magaalada kaliya ee doorashooyin ka qabatay
jadwalka ay guddigu ku dhawaaqeen iyo sida ku cad heshiiskii Muqdisho ee uu
Farmaajo isku dayayo inuu baabi’iyo sababtaas awgeed waxaa bartilmaameed u ah
in ay adeegsadaan alshabaab iyagoo taageero ka helaya Farmaajo
Farmaajo iyo Fahd Yaasiin ayaa weli u adeegsanaya Al-shabaab inay wax u
dhimaan amniga iyo inay carqaladeeyaan doorashada.
0 Comments