qaswade oo isku dayaayo inuu qariyo danbiile Fahad Yaasiin iyo yaasiin farey

 


A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Cabdullaahi ayaa kamid ahaa Baarlamaankii Wakhtigu ka dhamaaday, Wuxuuna sidoo kale kamid yahay Ganacsatada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo uu shalay xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay wasiirka cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ka horyimid Xil ka Qaadista Wasiirkii Amniga Xasan Xundubey Jimcaale. Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo

sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awooddiisa dowladda meeshana looga saaray shaqsiyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub

dhenacakale Farmaajo u magacaabay Yaasiin Farey inuu hoggaamiyo Nisa si uu u tirtiro diiwaanada dilalkii Ikran iyo askartii lagu qafaashay Eritrea iyo dambiyadii kale ee ka haray dhirqoolkii askarta Eriteriya loo diray ee ka danbeysay xarunta Nissa xilligii uu Yaasiin Farey iyo fahad yaasiin joogay waxay markhaati cusub u tahay shaqada Farmaajo iyo taageerayaashiisa waxay xaqiiqda hordhigi doontaa dadka Somaliyeed baaritaanka maxkamadda milaterig

RW Rooble waa ku mahadsanyahay go’aanka uu qaatay. Waana tilaabo ammaan iyo bogaadin mudan. Fahad waa in sida ugu dhaqsiyaha badan waa in cadaalada la horgeeyo. Xanuunkii ay martay Ikraan Tahliil mid la mid ahna la marsiiyaa inshaa’allaah!


Post a Comment

0 Comments