Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay dhameystirka doorashooyinka iyo lacagta uu u hayo doorashada



 A C-WARAR

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay doorashada u qorsheeyeen in ay ku bixi doonto 26 malyan oo dollar, isagoo sheegay in dhaqaalahaas ay ka cabsi qabaan inuu ku yaraado.

Raysal wasaaraha oo kulan la qaatay guddiyada doorashada wuxuu dhinaca kale uga digay in dhaqaale aan xafiiskiisu ogayn oo aan isla qorshayn ay guddiyada doorashadu u raadsadaan hay’addaha deeq bixiyaasha.

Rooble ayaa sheegay inuu hubinayo liiska Musharaxiinta ay soo saarayaan ku xigeenkiisa mahdi guuleed iyo cabdi xaashi, talaabadaas ayaana u muuqata in farmajo hubintaa ku shaandhayn doono dhamaan musharaxiinta xildhibaanada mucaaradka ku ah siyaasadiisa.

Sidoo kale waxa nasiib darro iyo dulmi ba ah inaan waxba laga badalin qoondada Haweenka Somaaliyeed oo hore loogu heshiiyay iney noqoto 30%, iyo sidoo kale inaan laga hirgelin maamulada taageersan siyaasada liidata ee Farmaajo.

Raysal wasaare Rooble wuxuu sheegay inuu tallaabo ka qaadayo ciddii lagu helo in ay hareer marayso nidaamka doorashada loo dajiyay, wuxuuna u sheegay guddiyada doorashada in wixii dhaqaalaha la xiriira looga dambaynayo guddiga doorashada ee heer federal iyo xafiiskiisa.

Dhinaca kale, raysal wasaare Rooble ayaa guddiyada uga digay wada shaqayn xumo, isagoo ku booriyay in la iska hilmaamo wixii khilaaf ah oo horay uga dhex dhacay qaar kamid ah guddiyada doorashooyinka.

Habraaca doorashada iyo isbadaladii u danbeeyay ee aan sharciga waafaqsanayn, ayaa dan u ah Farmaajo iyo kooxdiisa, waxaanay u dhibyaraynaysaa farmajo inuu marlabaad somaliya Hogaamiyo.

Waxaan ka digaynaa in doorashada lagu dhammaystiro habraacyadii guracanaa iyo isbeddelladii u danbeeyay, maadaama ay xadgudub ku yihiin heshiiskii Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhaqaalaha doorashada ka hesho dalalka deeq bixiyaasha ah, waxaana sidoo kale dhaqaalaha doorashadu ka imaan doonaa qidmadaha laga qaado musharraxiinta.


Post a Comment

0 Comments