Qorshe Lagu Soo Afjari lahaa Alshabab oo vilasomaliya huristaagtey

 

farmaajo

A C-WARAR

Midowga Afrika ayaa sheegay in somaliya la gelinayo xeerka number 7 ee Qaramada Midoobey ayada howlgalka cusub ee lasoo jeediyey uu billowdo bisha Janaayo ee 2022 haddii uu ansixiyo Golaha Ammaanka QM

 warka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hindisaha Guddiga Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay diiday Soomaaliya mar kalena ay ku celineyso diidmadeeda qayaxan Ciidamada Midowga Afrika oo ay ku jiraan 5,000 oo askari oo ka socda Kenya

oo ka kooban 18,000 oo askari ayaa noqdeen kuwo aan u qalmin inay sii wataan howlahooda ka dib markii Kenya ay diiday go’aankii Maxkamadda Caalamiga ah ee muranka badda diidmada Farmaajo ee kormeerka Qaramada Midoobay gaar ahaan maadaama ay horseedi doonto ka hortagga dhacdooyinka dilka iyo kufsiga ee ay geystaan ​​askarta Midowga Afrika

Diblomaasi Mareykan ah oo lagu magacaabo Tibor Nagy ayaa ka hadlay go’aankaas oo dhawaan kasoo baxay xukuumadda Somaliya kaasoo lagu diiday wax ka beddelka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Tibor oo horey usoo noqday kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika iyo Danjiraha Maraykanka ee dalalka Guinea iyo Ethiopia ayaa sheegay in Dowladda Somaliya laga rabo inay iska celiso Al-Shabaab haddiiba ay diidan tahay

qorshaha Midowga Afrika wuxuu sheegay in Dowladda Somaliya ay leedahay ciidamo aad u badan oo awoodi kara inay soo afjaraan Al-Shabaab laakiin farmajo ka hortaagaan yahay in ay la dagaalaman sababtoo ah farmajo wuxuu alshabaab u adeegsadaa rabshada iyo qaraxyada si dalka uu u sii xukuno

Farmaajo markuu u tartamayay xilka madaxweyne-nimo wuxuu ballanqaaday inuu ku ciribtiri doono Al-Shabaab labo sano guduhood, Balse wuu ku guul-darreystay ilaa iyo hadda oo wakhtigiisii dhamaaday.

Farmajo iyo fahad yaasiin ma rabaan in alshabab laga saaro dalka iyagoo dan ku wataa wayo alshabab waxay farmajo iyo fahad yaasiin u fuliyaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada

si ay ugu adeegsadaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shacabka masaakiinta waa in ay is gacan qabtaan dhamaan shacabka iyo siyaasiyiinta si ay hal meel ugu soo wada jeesan lahaayeen kooxdaan dhiigya cabta ah si dalka loogu saari lahaa



 

Post a Comment

0 Comments