xasuuqi ka dhacay Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa mas’uul ka ahaa qoorqoor iyo farmaajo

 

galmuddug

A C-WARAR

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maydad kale lagu arkay goobihii lagu dagaalamayay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, kadib markii ay ciidamada ururka Ahlu-Sunna Waljaamaca ay isaga baxeen saldhigyadii ay ka fadhiyeen Guriceel.

Qof tagay goobihii lagu dagaallamay ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay maydadka sideed ruux oo dhamaantood ay rasaas ku dhacday intii uu dagaalku socday. Maydadka lagu arkay goobihii lagu dagaalamay gaar ahaan aaga suuqa waxa ku jiray qof dumar ah.

Illaa hadda lama hayo tirakoob saxa oo ku saabsan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka Guriceel, balse illo deegaanka ah iyo kuwa ciidamada ah ayaa laga soo xigtay in dad ka badan 30 qof lagu dilay dagaalka sabtidii Guriceel ka bilowday soona gaaray illaa shalay, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen

Qoorqoor wuxuu ku fashilmay inuu xoojiyo maamulka Galmudug isla markaana kalsooni ka dhex abuuro beelaha cabashada qaba iyo kooxaha halista gelin kara mana jirin qorshe ay Galmudugta Qoorqoor u dejisay in maamul karti leh lagu sameeyo dagaalkii ka dhacay guriceel waxaa masuuliyadiisa qaadanayo farmajo iyo qoorqoor oo ku laayeen shacab masaakiin ah iyo hantidooda

Dadka siyaasada indho indheeyo ayaa ku dhaliiley Qoorqoor in uu waqtigiisa badan ku qaatay magaalada Muqdisho isagoo xooggiisa ku bixiyey arrimaha khilaafka Doorashooyinka Federaalka iyo taageerada Farmaajo isagoo aan horumar la taaban karo ka sameyn maamulkii uu madaxda ka ahaa dhinac kasta

 

Post a Comment

0 Comments