Bisaha Cas iyo Laanqeyrta Cas Qeybta bani’aadamnimada oo is-biirsanaysa si wax looga qabto ‘halista jirta’ ee isbadalka cimillada

cimillada


A C-WARAR 

Qeybta bani’aadamnimada ayaa door muhiim ah ka cayaareysa wax ka qabashada dhibaatooyinka cimillada iyo deeegaanka ee saameynaya nolosha dadka iyo hab-nololeedka adduunka oo dhan maalin kasta. Tan ayaa macneheedu yahay in dhaqan galin la sameeyo marka laga hadlayo in la dhexgaliyo hababka wanaagsan ee cimillada shaqadeeda iyo in la cagaariyo howlaheeda.

Dhaqdhaqaaqa Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ayaa ku casuumaya dhammaan ururrada samafalka in ay saxiixaan Axdiga Cimillada iyo Deegaanka ee ururrada samafalka, oo ay horey u qaateen 25 urur ilaa markii la bilaabay bil ka hor.

Axdiga, oo looga dan leeyahay in lagu kobciyo ka go’naasho adag oo ku saabsan wax ka qabashada cimillada ee dhammaan bulshada bani’aadamnimada, ayaa loogu talo galay dhammaan ururrada samafalka – mid yar iyo mid weynba. Waxaa diyaariyay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo isku dhafka Caalamiga ah ee Jamciyadaha

Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC), oo ay taageerayaan guddi la talin ah iyo la tashiyo lala yeelanayo qeybaha bani’aadamnimada. Axdigan waxa uu ujeedkiisu yahay hagidda qaabka ay qeybta bani’aadamnimadu u wajaheyso halista sii kordheysa ee ka dhalata is-badalka cimillada iyo wax ka qabashada kaarboonkeeda iyo saameynta ay ku yeelaneyso deegaanka.

Ma heysano waqti aan lumino. Waxaa mas’uuliyad innaga saarantahay in aan isku imaano, si aan u xoojino qibraddeena una abuurno jawaabo ku filan dhibaatooyinka cimillada iyo deegaanka. Isku biirinta awoodaha ayaa ah mid aad muhiim u ah haddii aan dooneyno in aan yareyno saameynta ay ku leeyihiin dadka ugu nugul,” ayuu yiri agaasimaha guud ee ICRC Robert Mardini.

Is-badal xoog leh ayaa deg-deg loogu baahanyahay si looga hortago dhimasho iyo dhibaato kale. Falanqeyn ay sameysay IFRC[1] ayaa lagu ogaaday in 97.6 milyan oo qof ay saameeyeen musiibooyin la xiriira cimillada iyo hawada sanadkii 2019. Ilaalinta nolosha iyo xuquuqda jiilka hadda iyo kuwa mustaqbalka waxa ay ku xirantahay tallaabo siyaasadeed oo lagu yareynayo gaaska hawada lagu siidaayo, laguna joojiyo xaalufinta deegaanka, iyo in lala qabsado dhibaatooyinka soo badanaya.

“Is-badalka cimilladu waa halis jirta oo ku wajahan bani’aadamnima, qeybta bani’aadamnima oo dhan ay ku qasbantahay in ay si dhaba u qaadato. Bulshooyinka adduunka oo dhan oo ay cimilladu saameeyeen waxa ay fahamsanyihiin baaxadda halista, sidoo kale mutadawiciinta Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas

iyo shaqaalaha la shaqeeya maalin walba iyana wey fahamsanyihiin. Howl badan ayaa loo baahanyahay in la qabto si loo yareeyo halista ay bulshadu wajaheyso, si looga caawiyo in ay dhisaan adkeysigooda oo ay la qabsadaan dhibaatooyinka cimillada iyo in la hubiyo in ururrada samafalku ay yareynayaan saameynta ay ku leeyihiin deegaanka,” ayuu yiri Mr Jagan Chapagain, xoghaya guud ee IFRC-da.

 

Post a Comment

0 Comments