Nooca cusub ee Covid-19 oo walaaca hor leh geliyay caalamka oo dhan.

caafimaadka


 A C-WARAR

Waddamado badan ayaa xayiraado dhanka safarka ah ku soo ragay dalalka koonfurta Afrika si ay u xakameeyaan nooca cusub ee Omicron ee Covid-19.

Tallaabooyinka ayaa imaanaya ka dib markii si rasmi ah ay saraakiisha caafimaadka u shaaciyeen noocan cusub ee fayraska ee laga helay wadamado ku yaala Koonfurta Afrika.

Nooca cusub ee xanuunka ayaa waxaa loo bixiyay Omicron waxaana walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Boqolaal rakaab ah oo u socday Amsterdam kana yimid Koonfur Afrika ayaa laga baaray nooc cusub covid ee Omicron .

Ilaa 61 qof oo saarnaa laba duullimaad oo KLM ah ayaa laga helay nooca cusub ee fayraska Covid-19 waxaana lagu karantiilay hoteel ku dhow garoonka diyaaradaha inta ay baaritaanno dheeri ah sameynayaan, mas’uuliyiinta Holland.

Mareykanka, Brazil iyo Australia ayaa ku soo biiray liiska dalalka shaciyay inay adkeynayaan xuduudahooda.

Post a Comment

0 Comments