Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Xubnaha Midowga
Musharaxiinta ayaa wax ay uga wada hadleen arimaha doorashooyinka dalka .
Midowga Musharaxiinta ayaa walaac weyn ka muujiyay daahfurnaan la’aanta ka
jirta doorashooyinka dalka ka soconaya iyo sida aaney raali uga noqon karin
habka ay iminka wax u socdaan.
Rooble ayaa ku amray guddiga doorashada in ay soo saaraan war murtiyeed ay
ku cadeynayaan in la laaday labada kursi si loo aamusiyo midowga musharaxiinta
oo diidan boobka doorashooyinka ay ka wadaan farmajo iyo mamulada daacad u ah
inta ay suurtagal tahay
iyo in ay muujiyaan in ay howshooda gudanayaan kadibna ay shaaciyaan in
aysan jirin wax caqabad ah oo dhanka sharciga ah oo ay ku hayaan taageerayaasha
Farmaajo ku guulaysta labada kursi
Rooble wuxu ka baxsanayaa ururka ay ku mideysan yihiin musharixiinta
maadaama aan waqti loo qaban shirka guddiga doorashooyinka iyo golaha
wadatashiga qaran si dib loogu dhigo isla markaana waqti loo helo inta uu
farmaajo ka helayo kuraasta ugu badan
Rooble far kama uusan dhaqaaqin ​​kursiga yaasiin farey iyo kursiga prof
jawaari loo diiday inuu u tartamo ee uu ku soo baxay maxamed cali xasan oo soo
saartay farmajo labadaan kursi ayaa loo xiray labadaan shaqsi si ay codkooda u
siiyaan farmajo si uu xukunka ugu soo laabto una sii wado gumaadka shacabka
somaliyeed
Midowga musharaxiinta waa inay ka horyimaadaan rooble oo aan fursad u siinin
inuu doorashada ku hogaamiyo sidii uu farmajo mar labaad u dooran
lahaa ayna qaataan mowqif ka adag kii ay hada ka hor ugu hor istaageen
isku deygii uu farmajo mudo kordhin uu ku sameystay hadane ay ka hortagaan
boobkan doorasho
0 Comments