Sarkaal hore oo ka tirsan NISA ayaa shaaca ka qaaday in wakaaladu ay keentay qalab casri ah oo ujeedadu tahay in la gu xakameeyo mucaardka

 

NISA

A C-WARAR

Farmaajo ayaa olole ballaaran oo xayeysiis ah ka sameyn doona baraha bulshada si uu taageero ugu helo musharaxiintiisa doorashada guddoonka baarlamaanka qalabkan casriga ah ee dalalka horumaray ay u adeegsadaan la dagaalanka argagixisada ayaa Farmaajo u adeegsan doonaa shacabkiisa si uu ugu argagax geliya

 wuxuuna rabaa oo kaliya inuu u isticmaalo marka la gaaro xiligay soo dhowdahay doorashada madaxweynaha oo xiriir qaldan la isku gudbiyo iyo kuwa ololaha ee daneynaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha

Korneel Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA in hay’adda ay keensatay dad hackers ah oo ay u adeegsanayaan inay ku curyaamiyaan ololaha musharaxiinta xilka madaxweynaha kula loolamaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Farmaajo in uu umada caburiyo ayuu bilaabey

Sidoo kale waxa uu sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay la tijaabinayay qalabkaas, kaasi oo culeys ku keenay internetkii caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

“Waxay soo kireysteen dad Hackers ah oo dhibaato u geysan doona isgaarsiinta, xawaaladaha iyo fariimaha la isku gudbinaayo. Waxaa loo sameystay qalabka in lagu dhageysto dadka Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho lagu socdana ganacsiga

Farmaajo iyo saxiibkii ayaa maamuli doona Internetka si ay uga faafiyaan wararka marin habaabinta ah ee ku saabsan hannaanka doorashada isagoo isku dayaya inuu kursiga ku fadhiisto muddo cusub Qalabkaan casriga ah waxaa loo adeegsadaaa argagaxisada no in lagu wiiqo dimuqraadiyada

 

Post a Comment

0 Comments