Xiisadda beeleed kadhalatey doorashadii golaha shacabka ee kursiga loo boobay Yaasiin Farey

doorashooyinka


A C-WARAR

Nabadoon Cali Xasan Cali Jeesto oo ah Nabadoonka iska leh saxiixa kuriga golaha shacabka ee beesha Waceysle oo lagu soo saaray Yaasiin Farey ayaa ku hanjabay in beeshu ay isaga bixi doonto awood qeybsiga maamulka Galmudug, hadii aan boobka laga deyn xaqeeda

Nabadoonka oo hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Waceysle ayaa ugu laab qaboojiyey beesha in saxiixii ay u dhiibteen uu u hayo, isla markaana aysan socon doonin wax aysan raali ka aheyn.

Sidoo kale Nabadoon Jeesto ayaa madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ku eedeeyey inuu in kiray oo xaqiray, iskuna deyey inuu xaqiro xaqa beesha Waceysle.

“Madaxweyne Qoor Qoor waxaan u sheegaa kursigaas waxaa iska leh beel weyn, beeshaas weyn hadaa xaqeeda boobto oo hal wiil ka doorato oo aad ka tashato, ayaguna waa kaa tashadeen, waxaana moodeynay in Galmudug aan wada leenahay ay meesha ka jirtee, koraad u heysanee waxaad keligaa isku koobtay,” ayuu yiri Nabadoon Jeesto.

Nabadoonka ayaa dowladda federaalka u sheegay in kursiga loo boobay Yaasiin Farey uusan aheyn mid la boobi karo, “Waad ku qaldanteen, dad adag ayaa iska leh kursigaan, hadii sharci shaqeyn waayo sharci darro cid nooga adag ma jirto, waxaan nahaydadka laga baqo inay waxboobaan ee anaga nalama boobi karo,” ayuu yiri Nabadoon Jeesto.

Nabadoonka ayaa sheegay in waxa dalka ka socda aysan doorasho aheyn, “Si qaas ah waxaan ula hadlayaa Waceysle, waad u jeediin sida Galmudug noola dhaqmeyso, maamulkaan ku biiri laheyn aan ka tashano, Galmudug, wiil ayey naga doorataye ha heysato, anagana dhulkeena ayaan xoreysaneynaa waana degeynaa,” ayuu yidhi.

Doorashada Yaasiin Fary ayaa ah mid aan sharci ahayn, isla markaana ay tahay wax is daba marin aanay komishanka doorashadu wax tallaabo ah ka qaadin.

se waxaa is waydiin mudan Sida loo doorto Yaasiin Fary oo ka mid ahaa dadkii ku lug lahaa dilkii Ikraan Tahliil.Roobley waxa uu noqday taageere Farmaajo oo aan ka shaqayn in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.Kadib doorashadii Yaasiin Fary

Post a Comment

0 Comments