3 Go’aan Ee Jurgen Klopp uu Qaatay Ee Badbaadiyey Liverpool Kulankii Wolves

 

ciyaaraha

A C-WARAR

Liverpool ayaa saacado haysatay hoggaanka horyaalka Premier League  markii ay 1-0 kaga adkaatay Wolves oo ay waqtigii dhimashada ka dhalisay goolka madiga ah.

Jurgen Klopp ayaa uu nasiibkiisu shaqeeyey waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaar adkayd oo ay marti u ahaayeen Wolves, taas oo uu Diogo Jota kooxdiisa ka dayacay fursaddii ugu fiicnayd ee labada kooxoodba ay heleen intii ay ciyaartu socotay.

Reds oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka min afar gool soo dhalisay ayaa uu Klopp kalsooni u muujiyey shaxdiisii ugu dambaysay oo uu ka filayay inay mar kale ku celiyaan weerarkii daadka ahaa iyo goolashii ay sida sahlan usoo dhalinayeen, hase yeeshee Wolves ayaa difaac adag ku qaabbishay.

Daqiiqaddii ugu dambaysay ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayuu Divock Origi u dhaliyey goolka guusha siiyey Liverpool, sidaas ayaanay ku heleen saddex dhibcood oo ay hoggaanka horyaalka ku hayeen illaa intii ay Manchester City kasoo badinaysay Watford.

Jurgen Klopp ayaa saddex go’aan oo caawiyey kooxdiisa qaatay intii ay ciyaartu socotay, kuwaas oo sabab u noqday inay saddex dhibcood  oo ay aad ugu dabbaal-dageen kasoo helaan Molineux Stadium.

1. Keenistii Divock Origi

Weerarka Liverpool oo daalay, una muuqday inay lumiyeen sirtii gool-dhalinta ayaa waxa u yimid Divock Origi oo beddel kusoo galay daqiiqaddii 68aad. Jurgen Klopp ayaa saaray kabtan Jordan Henderson oo maqane jooga ka ahaa ciyaarta, waxaana uu xoogga saaray weerarka.

Laacibka reer Belgium ayaa markiiba culays ku kordhiyey difaaca Wolves, waxaana uu ugu dambayntii keenay goolka guusha siiyey kooxdiisa.

26 jirkan oo aan boos joogto ah ku haysanin Anfield, kana mid ah laacibiinta kaydka ku qudhmay, waxa uu tababare Jurgen Klopp ku saxsanaa inuu keeno, sababtoo ah, ma jiro ciyaartoy kaga wanaagsan dhinaca gool-dhalinta oo uu soo gelin karayey.

2. Kaloonisdii uu siiyey Thiago Alcantara

Laacibka reer Spain ayaa ahaa ciyaartoyga ugu fiican kooxdiisa intii ay socotay ciyaartii Wolves, waxaanu ka shaqaynayay khadka dhexe oo uu hal-abuur iyo difaacis isku-daray, halka uu goolhaye Sa dirqi kaga badbaadiyey kubbad halis ahayd.

30 jirkan oo kusoo garab bilowday Fabinho iyo Jordan Henderson ayaa labadoodaba ka firfircoonaa, waxaanu dhalin lahaa gool haddii aanu Jose Sa boos fiican joogi lahayn.

3. Ku dhegsanaantii Matip

Joel Matip ayaa mar kale kusoo garab bilowday Virgil van Dijk, halka uu Ibrahima Konate kaydka ku jiray. In laacibka reer Cameroon uu kusoo bilowdo waxay ahayd go’aan wanaagsan sababtoo ah isfahamka ka dhexeeya Van Dijk ayaa caawinayay marka ay waajahayaan ciyaartoyda orodka iyo xoogga badan ee Wolves.

Matip ayaa kubbado badan u babbac-dhigay, waxaanay kooxdoodu kulankii sagaalaad ilaashatay shabaqeeda.

 


Post a Comment

0 Comments