culimadii oo bilaabey u Ololaleenta farmaajo iyo fahad yaasiin

 

culimada taagersan Farmaajo

 A C-WARAR

Qaar ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sii xoojinaya dooda ay ku taageerayaan Farmaajo xilliyada doorashada, iyagoo isku dayaya in ay diinta u adeegsadaan musuq maasuqa Farmaajo. Dadka Soomaaliyeed laguma khiyaamayn doono in la adeegsado diini

Culumada waxay ka aamusnaayeen, welina kaa aamusan yihiin inay cambaareeyaan gaboodfallada, musuqmaasuqa, maamulxumada dalka ka dhacay 5 tii sano ee la soo dhaafay, adduunkana la socdo. Gaboodfalladda dhacay waxaa ka mid ah

Waxaa la boobay doorashada Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Galmudug, waxaana la hagardaameeyay diyaarinta doorashada Barlamaanka federaalka si loo helo muddo kororsi sharcidarro ah, taaso lagu dhawaaqay 2021, haseyeeshe laga noqday kaddib markii dadka reer Muqdisho lagu kallifay inay dhiig iyo barakac huraan si ay u difaacan dastuurka, xorriyadooda iyo karaamadooda oo lagu xadgudbay.

Shacabka soomaaliyeed waa in ay ku kalsoonaanin khiyaamada ay culimada qaar ay wadaan iyagoo adeegsanayaan hadal diini ah oo lagu been abuurto xaqiiqada jirta iyagoo ku taageerayo kelitalista farmajo

waxayna aad u buun buuniyaan iyagoo malaayiin dollar ku qaata taageerida farmajo iyo in ay qariyaan musuqmaasuqa uu dalka ka wado Farmajo iyo dowladdiisa iyagoo daboolaya dhamaan dhibaatooyinkii iyo musuq-maasuqii uu geystay intii uu xilka hayay

shacabka somaliyeed ayaa la yaaban isku dayga ay sheekhyadu ku xalaalaynayaan dilka Farmajo iyo Fahad Yaasiin ee ka soo horjeeday oo uu ugu dambeeyey dilkii ikran Tahliil oo aan midkoodna ilaa hadda maxkamad la soo taagin

Waxaa nasiib darro in culumo markhaati ka ah gaboodfallada, boobka, musuqmaasuqa, iyo maamulxumada Farmaajo iyo Fahad mas’uulka ka yihiin ay ku eedeeyaan mucaaradka kuna tilmaamaan inay yihiin mufsidiin ama la mid yihiin Al-Shabaab

Farmaajo lacagta Qatar iyo Turkiga ayuu u adeegsadaa inuu ku xado doorashada iyo laaluushka dowlad goboleedyada, Sheekha dhaqanka iyo waayeelka daacadda u ah, iyo xitaa inuu laaluusho sheekhyada ku qeylinaya ee u yeeranaya hadda gogoshan.

Post a Comment

0 Comments