Farmaajo oo kala noqday RW. Rooble Awoodii Doorashada Iyo Go’aan Cusub oo kasoo baxay

farmaajo


 A C-WARAR

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ula noqday hoggaanka Doorashada ee uu hore ugu wareejiyay Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna soo saaray wareegto uu shaaciyey inuu Maxamed Xuseen Rooble ku fashilnay qabashada Doorasho ku dhisan heshiiskii 17-ka Septmbar.

Wareegtada Farmaajo ayaa xaalad cusub ka abuureysa dalka, iyadoo timid kadib markii xiisad ka dhalatay Guddiyada Doorashada oo xubno taageersanaa Madaxtooyada xilalkii laga qaaday. Waxayna tani ka dhigan tahay inuu Farmaajo si cad isu hortaagay Doorashada:

Baaqa Farmaajo ayaa muujinaya inuu ka soo horjeestay hanaanka doorashada dalka ka socota, Iyo inuu doonayo sharci darro inuu dalka kusii hogaamiyo.

Iyadoo uu Rooble Musuq-maasuq iyo isdaba marin badan hore usoo sameeyay kuwasoo uu ugu xaglinayo farmaajo, hadana Farmaajo danihiisa iyo rabitaankiisii guracan ayuu ka doorbiday isbahaysigii uu la lahaa dhigiisa Rooble.

Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob;

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2- Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Waxa xusid mudan in Farmaajo u adeegsanayo madaxda maamul goboleedka daacadda u ah inuu wax ka badalo dastuurka dalka oo uu kusoo biiriyo qodobo uu ku dhaqan galin karo muddo kororsiga uu waqtiga badan ku haminayay.

Waxaan ugu baaqaynaa mucaaradka iyo maamul gobleedyada ururka musharixiinta iyo sidoo kale shacabka in ay diidaan dhammaan tillaabooyinka uu Farmaajo ku kordhisanaayo xilka. Farmaajo Waad Fashilantay Ee iscasil" Dalka iyo Dadku Badbaado Ayeey u Baahan Yihiin intaan Ka Badan Laguuma Sii Dulqaadan Karo

Post a Comment

0 Comments