Farmaajo oo marki laga qabsaday Doonti Hubka ahayd ee uu usoo dhiibay PSF baaq nabadeed soo saaray.

buntland

A C-WARAR
Dagaal culus ayaa xaley mar kale dib uga qarxay magaalada Boosaaso, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo kuwa taliyihii hore ee ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano oo farmaajo adeegsanayo, sidoo kale

Dagaalkii shalay ayaa waxaa ku naf-waayeen 10 qof oo isugu jira askartii dagaalantay iyo dad shacab ah, iyadoo 40 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen Farmaajo ayaa dagaal ka uga hurinayo Puntland ka dib marku wayey meel kasoo galo si uu u musuqmaasuqo doorashada

Dhinacakale Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Hub la sheegay in caasimada muqdishu laga keenay oo la rabay in weeraro qorsheysan lagu fuliyo. Inkastoo laamaha Amniga weli faah faahin kasoo saarin howlgalkaan hadana waxaa macluumaadka la helayo sida hordhaca ah ay sheegayaan in Lagu Qabtay Xeebaha Gobolka sanaag oo doon hubka kasoo dejisey.

Deegaanka Ceelaayo ayaa waxa la sheegay in Hubkaan ka yimid caasimada muqdisho lagu qabtay waxaana la ogeyn sida gaarka ah meesha loo waday Hubkaasi iyo qolada ay urarnaayeen.

Doon hub u siday ilmo Diyaano oo ka timid Muqdisho ayay Ciidamada Puntland ku qabteen xeebta Boosaaso gaar ahaan dhinaca xiga xaruntii hore ee PSF, waxaana jira Rasaas badan oo ay is weedaarsadeen labada dhinac marki la qabanayay Doonta.

Ciidamada Badda Puntland ayaa doonta hubku saaran yahay gacanta ku dhigay intii uu socday dagaalka saqdhexe caawa lagu bilaabay Ciidanka dowladda ee ku sugan hareeraha xarunta PSF ee magaalada Bosaaso.

Sidhookale Wasiirka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Puntland oo goordhow shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey xaaladaha soo kordhay ee maamulkaasi gaar ahaan dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari

Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa marka hore ku dhowaaqay xabad joojin deg-deg ah oo ka dhaqan-geleyso Boosaaso si loo joojiyo xabadda ka dhaceysa magaaladaasi wuxuuna baaq u dirayaa cid kasta oo nabadda ka shaqeysa inaan ka dowlad ahaan aan hoggaansanahay diyaarna aan u nahay wax alaala wixii wanaag ah oo xabadda lagu joojinayo

Farmaajo wuxu caawinaad siinayaa ciidamada PSF ee dagaalka ka wadaan wuxuuna doonayaa inuu sii wado dagaalka uu ku doonayo in uu ku faafiyo Puntland oo uu ku doonayo in doorashadeeda loo wareejiyo Muqdisho si uu u dhaco

waxaana wararka sheegayaan in hubkaas soo direen kooxda farmajo oo nabada iyo deganaasiyaha soomaaliya neceb kuwaas oo had iyo jeer dagaal beeleed ka abuura deegaano nabad ah si ay danahooda ugu fushtaan waa in dalka laga qabtaa kooxdaan dooneysaa in dhiiga shacabka xukun lagu raadiyo

Farmaajo oo marki laga qabsaday Doonti Hubka ahayd ee uu usoo dhiibtay PSF baaq nabadeed soo saaray. Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.



Post a Comment

0 Comments