Ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa noqday bartilmaameed si fudud dowladda Erdogan uga qaado lacagaha

 

Turkiga oo  tacadiyo ku haayo soomaalida

A C-WARAR

Xaaladda dadka Soomaalida ku nool ee dalka Turkiga ayaa laga deyrinaya kadib weerar ay bishaan billowgeeda ragg burcad Turkish ah u geysteen Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Somaliyeed kaasi oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerarkaas

dhibta u weyn ee wajahayaan Ganacstada Somaliyeed ee Turkiga ayaa ah arrimo dhowr ah haba ugu darnaato midda dhanka sharciga ah waxaana la xiray tiro meherado ganacsi ah halka dadkii ka shaqaynayeyna qaarkood xabsiga loo taxaabay kuwa kalena la masaafuriyey

arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda Turkiga ay hore u soo saartay amar dhigaya in Ganacsatada Soomaaliyeed ka guuraan xaafada lagu magacaabo Kizilay oo ku taala badhtamaha magaaladaas taasi oo noqotay xuddunta ganacsiyada Soomaalida ee garabka isku wada haya

Weerarka iyo tacadiyaadka loo gaysanayo somalida ku dhaqan turkiga heer wuxuu gaadhay in laga afduubo wadooyinka iyo takaasiga ay saaranyihiin ama inta guryohooda loogu soo dhaco ayaa laga dalbadaa lacag madax furasho ah si loo soo daayo.

Jaaliyada somalida ee ku dhaqan dalka turkiga ayaa wajahaya sumcad xumo been abuur ah oo ay kula kacayso warbaahinta dowladda dalkaasi, tasoo lagu qarinayo tacadiyaadka iyo falalka foosha xun ee dawlada Erdugan u gaysanayso somalida joogta dalkooda.

shacabka soomaaliyeed ayaana Farmaajo ka dalbanayaan inuu wax ka qabto madama uu saaxiib la yahay ordugan si uu u qaado tallaabo uu ku badbaadinayo nafta iyo dhaqaalaha Soomaalida haddii uu intaa qaban waayane ay shacabka u arkaan inuu mas’uul ka yahay xadgudub kasta oo cusub oo lagu sameeyo qof kasta oo Soomaali ah oo ku nool Turkiga

 

Post a Comment

0 Comments