Kulanka oo yimid kadib markii golaha loo soo gudbiyay cabashooyin iyo eedo
la xiriira ku tagri fal awoodeed ayaa lagu go’aamiyay in shaqada laga joojiyo
Cabdiqani Saciid Carab oo sidoo kale loogu yeero milkiilaha xiriirka.
Awood sheegasho, Jebinta xeerka uu ku shaqeeyo Xiriirka Soomaaliyeed ee
Kubadda Cagta, Dib u eegista Qodobo kamid ah Xeerka uu ku shaqeeyo Xiriirka,
Mashaariic FIFA ay bixisay oo aan dhammaan & Faragelinta Hay’adaha kala
madaxbannaan ee xiriirka ayeey sheegeen golaha fulinta in lagu soo eedeyay
Carab.
Xoghayaha xariirka kubadda cagta Soomaaliyeed Yuusuf Muxidiin Axmed oo
kulanka markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in golaha uu
go’aan saday shaqa ka joojinta Carab.
“Xubnaha Guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa soo
jeediyay in shaqada laga joojiyo Cabdiqani Siciid Carab kaddib markii uu ku
dhaqaaqay isticmaalka awood carqadaneysa howlaha shaqada ee xiriirka, faragelinta
arrimaha Maamulka” ayuu yiri Yuusuf.
Xoghayaha ayaa sidoo kale Cabdiqani Saciid ku eedeyay in uu hor istaagay
dib u eegis lagu sameynayay dastuurka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.
“Waxa uu Cabqani hor istaagay dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Xiriirka
Kubadda Cagta oo soo bilaabatay 26kii October 2021 oo ay horay uga wadahadleen
Xiriirka & Hay’adda FIFA” ayuu yiri Yuusuf.
Guddiga fulinta ayaa sidoo kale guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta si
kumeel gaar ah tan iyo Marso 2022 u magacabaay guddoomiye ku-xigeenka xiriirka
Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino.
Cabdiqani Saciid Carab ayaa soddonki sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa
xiriirka kubadda cagta Soomaaliya isagoo laba jeer noqday guddoomiyaha
xiriiirka kubadda cagta.
0 Comments