Guuladaradii Liverpool Ka Soo Gaadhay ciyaarti xaley Leicester City oo Xaqiiqooyin Cusub laga Diiwaangaliyay

 

liverpool vs leicester city

A C-WARAR

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power kana tirsanaa horyaalka premier League.

Guuldarada ayaa ahayd midii 2-aad ee ay la kulantay Liverpool xilli ciyaareedkan iyada oo Leicester City 1/0 uga talaabsatay kooxda Klopp.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulanka.

1.Mohamed Salah ayaa khasaariyay rikoodhe markii 2-aad ee xirfadiisa premier League iyo markii ugu horaysay tan ilaa October 2017 markaas oo uu ku khasaariyay kulan uu ka hor tagay Huddersfield, waxa uu dhaliyay mid kasta oo ka mid ah 15-kii rikoodhe ee ugu dambeeyay ka hor kulankii xalay.

2.Liverpool ayaa laga dhaliyay goolka furitaan 3-dii kulan ee ugu horeeyay premier League waana markii ugu horaysay ee ay arintaas dhacday Tan ilaa November 2019.

3.Liverpool ayaa sanadka 2021 ku dhamaystay sidii ay ku bilaabatay iyada oo aan wax gool ah dhalin kulan marti ah, Reds ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 28 kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyaga oo dhaiyay 75 gool.

4.Liverpool ayaa ku fashilantay in ay gool dhaliso premier League markii ugu horaysya 29 kulan oo horyaalka ah tan ilaa guuldaradii 1/0 ahayd ee ay kala kulantay Fulham bishii March.

5.Liverpool ayaa laga badiyay kulan premier League ah bisha December markii ugu horyasay tan ilaa 4 bishii December 2016 markaas oo ay guuldaro kala kulantay Bournemouth waxana laga joojiyay rikoodh 35 kulan ah.

 

Post a Comment

0 Comments