Isku Aadka Wareega 16-ka Champions League Oo La Sameeyay & Kulamada Holaca Ah Ee Soo Baxay

 

Isku aadka 16-ka Champions League

A C-WARAR

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa haatan sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee UEFA Champions League iyagoo 16-kii kooxood ee soo gudbay midkasta ogaatay kooxda ay la ciyaarayso wareega xiga.

Aan ku bilawnee ugu horreynba kooxda Real Madrid ayaa heshay dhigeeda ree Portugal ee SL Benfica oo ahayd kooxdii wareega Group-yada booska kala baxday Barcelona.

Kooxda Manchester City oo xilli ciyaareedkii hore gaadhay Final-ka tartankan ayaa iyaduna wareega soo socda ku aaday kooxda ree Spain ee Villarreal oo iyaduna xilli ciyaareedkii hore kusoo guuleysatay Europa League.

Kooxda Liverpool ayaa si lamid ah Real Madrid iyo Man City iyaduna heshay isku-beeg aan aad u xooganayn waxaana ay ku aadeen kooxda ree Austria ee RB Salzburg oo markii ugu horreysay gaadhay wareega 16-ka ee Champions League

Kulanka aadka u adag ayaa ah midka dhex mari doona kooxaha Bayern Munich iyo Atletico Madrid, labada kooxood ee Germany iyo Spain kala metelaya ayaa sanadihii ugu dambeeyay isku soo arkay dhawr mar CL.

Kooxda ree Talyaani ee Inter Milan oo Group-keedii iyaduna kaga soo baxday booska labaad ayaa ku aaday Ajax oo rekoodh 100% ah kusoo gudubtay.

Kulankii la sugayay ayaa isaguna dhici doona waxaana uu dhex mari doonaa kooxaha Manchester United vs Paris Saint-Germain oo ay kala hoggaaminayaan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Kooxda difaacanaysa Champions League ee Chelsea ayaa iyaduna ku aaday dhigeeda ree France ee LOSC Lille oo ay Group-keeda iyaduna booska 1-aad kaga soo baxday.

Isku Aadka Oo Kooban

Real Madrid vs Benfica

Bayern vs Atletico Madrid

Chelsea vs Lille

Inter Milan vs Ajax

Man City v Villarreal

Man United v PSG

Liverpool v RB Salzburg

Sporting v Juventus

 

Post a Comment

0 Comments