Klopp oo shaaca ka qaaday xiddiga taariikhda uu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo

 

ciyaaraha



A C-WARAR

Tababaraha Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay inuu jeclaan lahaa inuu macalin u noqdo halyeega xulka qaranka England iyo Reds ee Steven Gerrard.

Tababaraha reer Germany ayaa la wareegay shaqada tababarka ee kooxda Liverpool bishii October 2015, halka Gerrard uu kooxda ka tagay xagaagii isla sannadkaas, kaddib 17 sano oo uu ku soo jiray kooxda koowaad, isaga oo u dhaqaaqay naadiga Galaxy Club ee dalka Mareykanka.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa shaaca ka qaaday jawaabta uu bixiyay Jürgen Klopp, kaddib markii wax laga weydiiyay inuu doorto hal ciyaaryahan taariikhda uu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo.

Klopp ayaa kaddib markii su’aashaas la weydiiyay wuxuu si fudud ugu jawaabay:

“Way fududahay, waa Steven Gerrard.”

“Run ahaantii, waxaan ku aqaanay Liverpool oo waan daawaday isaga oo dabcan ciyaaraya, balse muxuu ahaa ciyaaryahan, waxaan u malaynayaa inuu mar hore hawlgab noqday.”

“Lix sano ka hor, jawaabtu way ka duwanayd, laakiin hadda halkaan ayaan joogaa oo waxaan u aqaanaa qof ahaan iyo ciyaaryahan ahaanba, marka waa jawaab sahlan hadda.”

Halyeeyga Liverpool ayaa Klopp kala soo shaqeeyay Liverpool intii u dhexeysay 2017 iyo 2018, halkaas oo uu ka joogay kooxda da’dooda ka hooseyso 18 iyo 19-jirada.

Gerrard ayaa markaas ka tagay Reds xagaagii 2019, si uu ula wareego shaqada tababarka kooxda Rangers ee dalka Scotland.

Post a Comment

0 Comments