kubadi cagta oo waysey xidig aad u weeyn Sergio Aguero Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Kubada Cagta

 

ciyaaraha

A C-WARAR

Weeraryahanka Kooxda Barcelona ee Sergio Aguero ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha kubada cagta.

Aguero ayaa qaba xanuun dhanka qalbiga ah oo uu dareemay kulankii Alaves ee bishii October ee la soo dhaafay.

Sergio ayaa go’aankiisa kaga hadlay shir uu ku qabtay garoonka Camp Nou kana soo qayb galeen madaxda kooxda Barcelona, xiddigaha Barcelona iyo tababarihiisii hore ee Pep Guardiola.

“Shirkan waxa aan u qabtay si aan idinku war galiyo go’aankayga ku aadan in aan joojiyay ciyaarista kubada cagta, wakhtigan waa mid aad iigu adag”ayuu Aguero yidhi.

“Laakiin wali waan ku faraxsanahay go’aanka aan qaatay sababta oo ah caafimaadkayga ayaa ugu muhiimsan marka loo eego dhibaatadii aan dareemay bilihii la soo dhaafay”.

“Waxa aan la kulmay dhakhtaro badan waxana ay dhamaantood ii sheegeen in ay fiicantahay in aan joojiyo kubada cagta sidaas darteed go’aanka waxa aan qaatay 10 maalin ka hor”

 

Post a Comment

0 Comments