Mahdi Guuleed oo isku dayaayo in kuraastii Waqooyi u xado Farmaajo

doorashooyinka aqalka hoose


 A -CWARAR

Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay guddoonka sare ee doorashada Somaliland, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo lagu hakiyey doorashada illaa 16 kursi oo la qaban lahaa.

Xubnahan oo markii hore kasoo galay guddiga dhanka Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday inay ayidsan yihiin go’aanka lagu hakiyey kuraastaas, si loo hubiyo habsami socodkooda.

Mahdi guuleed waa gacan yaraha farmaajo u adeegsanayo boobka kuraasta gobolada waqooyi, waxaanu farmaajo kusoo saaray doorasho ku saleysan musuq maasuq kadib markii lala tartansiiyay qof aan jirin oo male-awaal ah.

Mahdi Guuleed ayaa kuraastii Waqooyiga isku dayaayo in uu u xado Farmaajo sidii loogu xaday kuraastii Galmudug, Koonfur Galbeed & Hirshabeelle.

Waxaa cad in Farmaajo uusan ku qanacsaneyn in uu ku shubtey kuraasta maamul goboleedyada isaga daacadda u ah, balse uu ka shaqeeynaayo sidii uu ugu shuban lahaa doorashada dowlad goboleedyada ka soo horjeeda.Shacabka iyo mucaaradkuba waa in ay ka hortagaan Farmaajo in uu sii wado musuq maasuqa doorashada, xitaa xoog, sidii dhacday isku daygii muddo kordhinta ee fashilmay.

Doorashada soomaaliya ayaa ah mid aan waxba ka jirin maadaama ay ku dhisan tahay wax isdaba marin iyo xatooyo kuraas ah farmajo iyo mahdi guuleed u adeegsanayaan inay ku shubtaan doorashada kuraasta Waqooyi farmajo kaliya ma boobo kuraasta dowlad goboleedyada isaga daacadda u ah

balse waxa uu sameeyay qalalaaso uu ku doonayo inuu fowdo ka sameeyo dowlad goboleedyada isaga kasoo horjeeda si uu doorashadooda Muqdisho ugu wareejiyo si uu u xado isagoo isku dayayo in doorashada Jubaland iyo qaar ka mid ah deegaanada Hirshabelle ee mucaaradka ku ah uu u raro Muqdisho

Dowladda farmaajo ayaa ah dowlad ku meel gaar ah oo aan sharci ahayn waxayna ka caawisaa Farmaajo inuu xilka sii hayo si ay mar kale u soo ceshato kalsoonida Iyo in lagu shubto doorashooyinka farmajo ayaa dadaal ugu jira sidii uu u boobi lahaa dhamaan kuraasta dowlad goboleedyada isagoo kaashanaya maamul goboleedyada isaga daacadda u ah 

 

 

Post a Comment

0 Comments