Mareykanka oo dharbaaxsho kale xoogleh ku dhuftay kaligii taliye Farmaajo iyo garab istaagga Rooble oo xoogeestay

 

dharbaaxsho kale ku dhacdey farmaajo

A C-WARAR

Xukuumada Mareykanka ayaa sheegtay inay kala hadleen Madaxweynne Farmaajo inuu taageero dedaallada Raysalwasaare Rooble ee doorashada iyo inuu qabto shirweynaha Golaha Wadatashiga Qaran.

Waa inaad taageertaa Reysalwasaare Rooble joojisanaana ficilada hurinaya khilaafaadka:Mareykanka oo canaantay Madaxweynaha

Xafiiska Dawlada Mareykanka ee u qaabilsan Afrika oo qoraalkan daabacay waxa ay uga digeen inuu Madaxweynaha joojiyo ficilllada sii hurinaya xaaladda Muqdisho,iyagoo ugu baaqay Ciidamadda inay dhex-dhexaad noqdaan,waxaana Reysalwasaaraha laga codsaday inuu dedejiyo hanaanka doorashadda sida ugu dhaqsiyaha badan

Tallaabada uu Mareykanka qaaday ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay taageerada Rooble, iyo in laga hortagao isku dayada uu Farmaajo mar kale ku carqaladeynayo doorashada. 

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa u aragta Farmaajo inuu yahay Madaxweyne wakhtigiisu dhamaaday oo isku dayaya inuu xukunka awood kusii haysto.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa amray in ciidanku galo heegan buuxa isagoo sheegay in ciidanka aan laga ogolaan karin in uu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah isla markaana ay howsha qaran u guda doonaan hanaankii ay ugu dhaarteen

hadalkaan ayaa ku soo aadayo xilli uu farmajo u adeegsaday ciidamada si uu dalka afgembi ugu qabsan lahaa asigoo weeraray xafiiska rooble welina uu keensanayo ciidamo kala jooga gobolada qaar si uu xukunka kula wareego

sidhookale Taliyaha Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa waxa uu amar siiyey ciidamada booliska isagoo uga digay inay siyaasada iyo doorashooyinka ku dhex milmaan.

Waxa uu sheegay in ciidamada amniga ay isku dayaan sidii nabad gelyo lagu ledo habeenkii ka shaqeeyaan sidaa awgeedna faray in lasii xoojiyo.

Taliye xijaar ayaa bogaadiyey howlgalada Amniga iyo shaqada ay booliska hayaan kuna booriyey inay sii laba jibaaraan.

Taliyaha Booliska ayaa hadalkiisa uqaab ekaa kii shalay uu Taliyaha ciidanka xoogga dalka amray ciidanka inay ka fogaadaan

 

Post a Comment

0 Comments