Musharrixiinta mucaardka oo dalbaday in kaligii taliye Farmaajo deg deg uga baxo Villa Somalia

 

afgambiskii fashilmey



A C-WARAR

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, Wuxuuna tallaabooyinka uu qaaday Xalay iyo maanta Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay inay yihiin Afgambi.

Talaabooyinka uu qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, Dastuurka  iyo sharciyada dalka u yaalo”.

RW Rooble ayaa shegay in Farmaajo uu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo midka Golaha Wasiirada. “ Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xadgudbay wuxuu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isagoo isku dayey inuu ka hor joogsado inay gutaan waajibaadkoodii Qaran” ayuu sii raaciyey.

Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Madaxwayne Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota. “ Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay  ee Bishii April ee Dalka lagu dumin rabay”.

Rw Rooble ayaa sheegay maadama uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waajibaadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

Farmaajo hadda ka hor wuxuu isku dayay inuu xilka ka qaado Ra’iisal Wasaaraha waanay usuurta gali wayday haatan oo uu shaqada ka joojiyayna waa isku daygii labaad ee uu ku fashilmay, Runtii uma qalmo inuu sii hayo hogaanka umada somaliyeed.

“ Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.

Sidoo kale waa madaxweyne waqtigiisu dhammaday, awoodna umalaha inuu xilka ka qaado ra’iisul wasaaraha, waxa arintaa ku shaqo leh oo awoodeeda lahaan lahaa barlamaanka haddi la dooran lahaa balse igana ilaa hadda lama dooran carqaladaynta farmaajo waday awgeed.

Dhinacakale Xubnaha Midowga Musharrixiinta ayaa sheegay inay cambaareeynayaan iskuday afgembi oo ay sheegeen in uu Farmaajo shalay ku kacay ,isla markaana uu ahaa qayaano Qaran oo la doonayay in lagu dumiyo Hay’adaha Dastuuriga ah laguna carqaladeeynayo doorashooyinka.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa waxaa sidoo kale ku sheegeen in Maxamad C/laahi Farmaajo uu isku deyey in uu ciidan ku qabsado hay’ado madani ah oo dastuuri ah, iyaga oo dalbaday in  baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afganbiga.

Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Ray’salwasaare Maxamad Xuseen Rooble oo si geesinimo leh uga horyimid afganbiga una muujiyay shacabka Soomaaliyeed in dalku doorasho aado, Farmaajana dibadda ka istaago hawlahaas.

 

 

Post a Comment

0 Comments