Puntland Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Khamri Fara Badan.

 

putland

A C-WARAR

Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa gacanta ku soo dhigay khamri fara-badan iyo mid ka mid ah Raggii ka ganacsanayay, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen caasimadda Puntland ee Garoowe.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Taliska Qeybta Booliska gobalka Nugaal, ayaa lagu sheegay in khamrigan oo gaaraya 60 dhalo, gaarigii uu saarnaa iyo Ragii watay mid ka mid ah, lagu soo qabtay gudaha Garoowe.

G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal ayaa u mahadceliyay ciidammada howlgalada sameeyay qabashada khamrida.

Taliyaha Wuxuu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan cid walba oo lagu soo qabtay, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah waxyaabaha Maanka dooriya.

 

Post a Comment

0 Comments