RW Rooble oo Eryay Qaar kamid ah Gudigii Xalinta Khilaafka Doorashada

doorashooyinka


A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada

Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arrimaha doorashooyinka xuseen maxamed maxamuud laki rooble wuxuu eryey xubno uu ku eedeeyey inay khaladaad galeen hase yeeshee ma uusan sheegin waxa laga yeelayo khaladaadkii dhacay iyo haddii dib loo saxayo iyo haddii kale

Xil ka qaadista uu rooble sameeyey ayaa la rumaysan yahay inauu yahay daah lagu qarinayo musuqa iyo boobka kooxda farmajo ku wado doorashada iyo in komishanku meel mariyo isdaba marintii hore ay usameyeen, sida kursigii Yaasiin Farey iyo kuwo kale oo badan.

Sidoo kale xilka qaadistaasi kama dhigayso Rooble inuu daacad ka yahay dhexdhexaadnimada doorashada dalka ka socota qiilna uma noqonayso musuq maasuqa iyo isdaba marintii uu ugu hiiliyay Farmaajo.

Xubnahan uu rooble magacaabay ayaa ku jira kuwa u ololeynayeen farmajo markii uu sameystay mudo karorsigawaxayna mari doonaan wadadii ay qaadeen xubnihii xilka laga qaaday ee ugu shubay codadka xildhibaanada farmajo tallaabadan aysan dafiri doonin in rooble uu ku lug leeyahay musuq-maasuqa doorashada oo uu ku taageeray Farmajo si uu markale ugu soo baxo xukunka dalka

Dhinacakale  Lafta Gareen oo dhowr Maalmood ku sugnaa Magaalada Kismaayo ayaa si aad ah ugu hawlan  inuu Axmed Madoobe kasoo fujiyo kuraas uu la rabo farmaajo oo aad muhiim ugu ah, soo laabashadiisa wuxuuse Lafta Gareen dooda u dhigay inuu isagu rabo kuraastaas.

Balse Kuraasta uu rabo inuu ka soo dhiciyo  Axmed Madoobe oo ah shan Kursi qaarkood waxaa la rumaysanyahay inay adkaan doonto inuu Axmed Madoobe aqbalo ka doodistooda.

Dhamaan shacabka soo maaliyeed ayaa aad ugu rajaween in labada maamul ee putlan iyo jubland aysan u ogolaan farmaajo in uusan musuqmaasuqeen doorashooyinka labadaas gobol kasocoto

Post a Comment

0 Comments