Shirka Rooble uu qabtay ayaa ah mid shacabka looga weecinayo ku shubashada doorashada.

 

doorashooyinka

A C-WARAR

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir ballaaran ka daah-furay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb-galayaan aqoonyahano iyo qeybaha kala duwan ururada bulshada rayidka.

Shirkan oo loogu magac daray taabagelinta geeddi socodka dowladnimada ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda ka dhalatay daahitaanka doorahooyinka.

Rooble oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa shaaca ka qaaday inuu ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa, si looga tala bixiyo xaaladda haatan lagu jiroWuxuu siwayn uga hadlay arinta Doorashada iyo Waxa la gudboon in loo diyaariyo Dawladda Cusub ee dhalan doonta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in shirkan lagu uruurinayo aragtida ka qayb-galayaasha si talooyinkooda loogu adeegsado xiliga kala guurka ah ee lagu jiro.

Aqoonyahanada iyo xubnaha ka socda bulshada rayidka ayuu ugu baaqay in dowladda ay ku gacan siiyaan xaaladda adag ee uu haatan dalka ku jiro iyo doorashooyinka socda.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ah hay’ado caalami ah, gaar ahaan kuwo ka socda Qaramada Midoobay oo haatan si dhow ula socota xaaladda guud ee dalka.

Balse shirkan ayay dad badani rumaysanyihiin inuu yahay qorshe lagu maaweelinayo shacabka somaliyeed oo lagaga jeedinayo boobka iyo musuq maasuqa dawlada farmajo ku wado doorashada dalka ka socota.

Rooble wuxuu hannaanka doorashada ka saaray qaabkii hufnaanta iyo caddaaladda ahaa ee uu hore ugu balanqaaday shacabka somaliyeed, waxaanu u badalay doorasho dhac iyo boob ah oo ujeedkeedu yahay dib usoo celinta Farmajo. oo weli kursiga ku fadhiya muddo kororsi dadban oo sanad ku dhow.

 

Sidoo kale waxa hubaala inaanu wax natiijo ah ka keeni doonin maadama aanu dhag udhigayn fikradaha shakhsiyaadkii kasoo qayb galay iyo mucaaradka, waxaanu sii wadi doonaa musuq maasuqa doorashada ee uu ugu hiilinayo Farmaajo.

Post a Comment

0 Comments