shirkada Facebook iyo dad kaloo badan waxay oo ku hawlan in ay sameeyaan is badal ween Isticmaalka Internetka ee Dadka

 

Internetka

A C-WARAR

Milkiilaha Facebook iyo dad kaloo badan waxay doonayaan inay Isticmaalka Internetka ee Dadka wax ka bedelaan, oo dadka ay u sameeyaan caalam Khayaali ah oo Online ah oo ay dhex socon karaan, ku shiri karaan, ku ciyaari karaan, wax ku baran karaan, oo qof boonbale cml ah oo adiga nafsadaada matalaya uu halkaasi ku dhex soconayo.

Waa film aad adigoo gurigaaga joogtid ku dhex jireysid. Wuxuuna ganacsi weyn u noqon doonaa qaar badan oo idin kamid ah.

Qaar idin kamid ah waxay u egtahay inay halkaasi ka dhex sameysan doonaan Hoolal lagu kulmo ama la isku imaado oo soo gelitaanka ay qarash ku qaataan.

Qaar kale dukaamo online ah oo la dhex geli karo ama la dhex socon karo, shaqaale caadi ahna ay joogaan ayay sameysan doonaan.

Qaar kaloo idin kamid ah hoolal xaflado ayay sameysan doonaan, halkaasoo fanaaniinta iyo aqoonyahanada aad rabtaan ku casuumi kartaan, dadka soo galayana qarash caadi ah ay bixinayaan.

Qaar badan qorshayaal kala duwan oo ay caalamkaasi khayaaliga ah si sax uga shaqeysan karaan ayay keensan doonaan, qaarna isticmaalayaal meesha ku damaashaada ayay ahaan doonaan.

Ma la socotaa hadda xilligaan la joogo dad badan inay Dhul khayaali ah Internetka korkiisa ka gataan, qaarna guryo iyo xarumo ganacsi iyo kuwa madadaalo oo khayaali ah halkaasi ka iibsadaan.

Tusaale boos yar ama dhul yar oo Online ah ayaad 3 kun oo Dollar ka bixinaysaa, kaasoo abidkaa aad lahaanaysid, iibin kartid amaba kireyn kartid ama wixii aad dooneysid ka dhisi kartid.

Maal gelinta dhankaasna waxay noqotay mid weyn, waayo dad badan ayaa aaminsan hadda inay raqiis tahay, muddo kedibna dhulalkoodaas ay dadka lacag badan kasii heli doonaan, kiro ahaan ama iib ahaanba.

Internetka aan hadda isticmaalno ma ahan kii 15 sano kahor camal ahaa, sanadaha soo socdana ma ahan doono Internetka midka aan hadda naqaano ee aan isticmaaleyno oo kale.

Fikir, waxa soo socda fahan, qorshana ka yeello.

Post a Comment

0 Comments