Golaha wadatashiga qaran oo isku khilaafsan arrimaha amniga doorashada

farmaajo oo markale carqalad hur dhigey dalka


A C-WARAR

Shirka golaha wadatashiga qaran oo socda maalintii afaraad, ayaa xogaha laga helayo waxay sheegayaan in madaxdu isku khilaafsan yihiin cidda looga dambeynayo masuuliyadda hoggaaminta amniga.

Raysal wasaare Rooble ayaa miiska soo saaray inuu doonayo in dhammaan la hoos keeno howlaha amniga uuna noqdo qofka ay hoos imaamanayaan taliyayaasha ciidamada inta lagu jiro howlaha doorashada.

Qaar katirsan madaxweynayaasha dowlad gooleedyada ayaa raysal Wasaaraha ku taageersan qorshahan, halka kuwa kalena ay ka biyo diideen, iyagoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yahay taliyaha ciiddamada qalabka sida, isagana uu masuul ka yahay amniga dalka.

Qodobkaan ayaa caqabad ku noqday horusocodka shirka, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaaan in madaxweynayaasha qeybtood ku hanjabayaan in ay shirka isaga baxayaan , taasoo fashil ku keeni karta shirka.

Dadka siyaasada idho indheeyo ayaa aaminsan In dalka ay ka dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah waxa ay ku xerantahay in amniga guud ee dalka lagu wareejiyo Raisul Wasaaraha oo hogaan u ah Arimaha doorashada si wax walba oo ka dhaca wax looga waydiin karo .

Balse hadii amniga guud uusan gacanta ugu jirin Raisul Wasaaraha oo doorashada la qasaayo , sidii larabo uu ka yeelanaayo musharax danihiisa gaarka ah fiirinaayo maxay tahay doorashada lasugaayo in daka ay ka dhacdo waxa ay naqan karto , yay tahayse cida wax laga waydiinaayo ?

Sida aan xogo hoose ku helay, waxaa hotel-ka Decale kasocda Kulan u dhaxeeya Cali guudlaawe, Cumar Finish, siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda beesha Mudulood kuwaa oo culees ku saaraya labada maamul sidi ay shirka ugu laaban lahaayeen.

Waxaa dhinaca kale shir gaar ah iskula jira Madaxweyne yaasha Galmudug Iyo koofur Galbeed oo wali dhinac kaga sugan teendhada afisyooni.

Waxaa socda dadaalo dib la iskugu soo laabanaayo ilaa galabta.


Fahad Yaasiin ayaa shir qarsoodi ah maanta la yeeshay madaxda Dawlad Gobolleedyada qaarkood  Intuu jiray kala aragti duwanaanshiyaha qodobka Amniga ee R/wasaare Rooble lagu wareejiyo ayey madaxda qaarkood xilliga fasaxa qadada waxay la kulmeen lataliyaha Amniga qaranka Madaxweyne Farmaajo

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.fahad iyo farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxa ay qadeen qorsho dalacsiin qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dalka iyaga oo wada in ay markaan awood afgambis ay ku sameeyaan RW rooble 


Post a Comment

0 Comments