Haweeney ku Umushay Suuliga Diyaarad Ilmihii Ay Dhashay-na ku Riday Suuliga

 

bulshada


A C-WARAR

Shaqaalaha Garoonka dalka Mauritius ayaa wiil yar oo dhowaan dhashay ka dhex helay baaldiga khashinka ee suuliga diyaaradda.

Haweeney 20 jir ah oo u dhalatay jasiiradda Madagascar, oo looga shakisan yahay inay dhashay intii ay diyaaradda hawada ku jirtay ayaa la xiray.

Diyaaradda Air Mauritius, oo laga leeyahay Madagascar, ayaa 1-dii bisha cago dhigatay Graoonka Caalamiga ah ee Sir Seewoosagur Ramgoolam.

Saraakiisha garoonka ayaa soo helay ilmaha kaddib komeerka caadiga ah ee ay ku sameeyaan diyaaradda.

Waxay arkeen waraaqaha suuliga oo dhiig uu ku yaallo, kaddibna waxay ilmaha yar ula carareen isbitaalka.

Booliiska garoonka ayaa sidoo kale su’aalo weydiiyay rakaabka.

Haweeneyda la rumeysan yahay inay dhashay ilmaha yar, oo markii hore inkirtay, ayaa la mariyay baaritaan caafimaad oo xaqiijiyay inay iyadu dhashay.

 

Post a Comment

0 Comments