Maamulka Koonfur Galbeed oo sii wadah Musuq maasuqa doorashada oo uu ugu xaglinaye Farmaajo

 

doorashooyinka

A C-WARAR

Guddiga Doorashada Heer Dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka. ee ka imaanaya maamulkaasi kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baydhabo

Koonfur Galbeed ayaa horay u qabatay doorashada illaa 11 kursi, walow kuraasta qaar ay ka timid cabasho xoogan isla-markaana la hakiyey taas oo uga sii dartay xiisadda taagan soomaaliya waxaa weli dood xoogan ay ka taagan tahay hanaanka doorashada oo ay si weyn u dhaliileen

mucaaradka oo ku eedeeyey hoggaanka dalka boob doorasho lafta gareen wuxu isku dayayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo afjaro doorashada Koonfur Galbeed si ay ugu hiiliyaan xildhibaanada uu wato Farmajo kadib markii uu horay u hakiyay doorashada maamulkiisa ka hor afgambigii Farmaajo

sidhokale mucardka ayaa ugu baaqey RW Rooble  inuu joojiyo doorashada kuraastaas eey soo gudbisey Koonfur Galbeed ilaa golaha qaranku ka shirayo, lagana fiirsado dhismaha guddiga doorashada iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Qabashada doorashada kuraastan ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay dood ka taagan tahay doorashada, gaar ahaan guddiyada maamulaya oo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay, kadib tallaabadii farmaajo.

Waxaa muuqato weli in uu farmaajo adheegsanaayo maamul goboleedyada daacada u ah si uu ugu shubto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis lafta gareen wuxuu dardar gelinayaa 11 kursi ka hor shirka Golaha wadatashiga Qaran ay tahay isku day lagu doonayo in lagu soo magacaabo xubnaha daacadda u ah Farmajo

Dhinacakale  Laftagareen oo horey u diiday inuu ka qeybgalo shirka uu iclaamiyey Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda lasoo sheegayaa inuu badalay mowqifkiisa.

Lafta-gareen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo ay joogaan dhammaan madax goboleedyada dalka Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo kamid ah xafiiska Ra’isul wasaare Rooble, Laftagareen ayaa ugu dambeyn aqbalay inuu ka qeybgalo shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee uu iclaamiyey Rooble.

Laftagareen ayaa la sheegay inuu cadaadis xoog leh kala kulmay Beesha Caalamka taasna ay keentay inuu aqbalo ka qeybgalka shirkaas, waxaana la filayaa inuu Maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Muqdisho.

 

Post a Comment

0 Comments