qaar kamid ah cuntooyinka faa’iidooyinka u leh caafimaadka wadnahaaga

caafimaadka


A C-WARAR

Daraasado dhowr ah ayaa kusoo gabagabeeyey in cuntooyinka faa’iidada u leh caafimaadka wadnaha sida caadiga ah ay yihiin cuntooyinka hodan ku ah maadada( antioxsidant)ka iyo vitaminada sida kuwa sameeysan “B” gaar ahaan”B6″ iyo “B3”, iyo fitamiinada “C” iyo “E”, iyo cuntada ka sameeysan (fiber)ka sida midhaha heeda ama harikooga/faasuuliyaha iyo dufanka loo yaqaano (monounsaturated) oo laga helo caanaha,looska,saliid saytuunka,hilibka cas iyo avocado ah, iyo sidoo dufanka loo yaqaano (saturated).

Guud ahaan,sirta ka dambeeysa daryeelka caafimaadka wadnaha waa in la raaco nidaam cunto oo ay ku jiraan cuntooyinka sidooda ba dabiiciga u ah iyo in la fogaado cuntooyinka la warshadeeyo inta badan ee suurtogalka ah.

Sida laga soo xigtay warbixin uu faafiyay website ka “Bold Sky” ee khuseeya arrimaha caafimaadka ,ayaa sheegay in sida caadiga ah cuntada faa’iidada u leh caafimaadka wadnaha ay tahay tan hodanka ku ah acida loo yaqaano( omega-3) ee dufanka leh, oo si tiro badan looga helo kalluunka dufanka leh sida salmon ka, mackerel ka iyo sardine ka.

Sido kale waxa laga helaa looska oo hodan ku ah dufanka faa’iidada leh kaasoo  ilaaliya heerka dhexdhexaad ah ee (cholestarol )ka, iyada oo sida kale uu hodan ku yahay vitamin “E” iyo proteinada iyo( fiber) ka.

Khudaarta faa’iidada u leh wadnaha waxa kamid ah dhirta loo yaqaano (Asparagus) oo ah ilaha wanaagsan ee laga helo  (beta-carotene iyo lutein)ka ,vitamin “B” , folic acidka iyo fiber.

Waxa sido kale faa’iido u leh caafimaadka wadnaha midhaha harikooga/faasuuliyaha oo hodan ku ah (fiber) ka iyo vitamin “B” oo faa’iido u ah caafimaadka wadnaha.

Dhirta  broccoli iyo basbaasta cas ayaa waxa  ku jira maadooyinka( beta-carotene)ka, fiber ka iyo folic acid ka, iyo sidoo kale vitamins “C” iyo “B” kuwaasoo faa’iido u leh caafimaad wadnaha.

Dhinaca midhaha khudaarta nuuca tooska loo cuno ee caafimaadka wadnaha u wanaagsan,waxa jira midho aad u tiro badan,waxana kamid ah papay ga oo hodan ku ah maadooyinka (carotenoid, beta-carotene ,lutein ,antioxsidanter,vitamins,folic acid ka iyo magnesium ka.

Cuntooyinka kale ee faa’iidada weyn u leh caafimaadka wadnaha waxa kamid ah bariiska bunniga ah, kaasoo leh( fiber) iyo vitaminada ka sameeysan “B”.

Ugu dambeyntii,saliid saytuunka ayaa waxa ay faa’iidooyin weyn u leedahay wadnaha, sababtoo ah waxa ay ku jira acid ka loo yaqaano(oleic) iyo dufanka( monounsaturated) oo yareeyo halista cudurka wadnaha.

 

Post a Comment

0 Comments