Shirka Golaha wadatashiga Qaranka Oo Maalintii Labaad Galay iyo Waxyaabaha Looga Hadlayo

Shirka Golaha wadatashiga qaranka


 A C-WARAR

Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha Wadatashiga qaranka ee ka socda Magaalada Muqdisho oo looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka & Amniga Dalka si loo meel-dhigo qorshaha geedi-socodka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble & Madaxda Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalintii koowaad ka dooday sida loo sugi karo amniga.

Madaxda ayaa maanta iska xog-wareysaneysa sida loo dhammeystiri karo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Federaalka oo ku dhawaad 30 Xildhibaan laga doortay.

Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka oo si rasmi ah u bilaabatay 1dii November 2021 ayaa dhowr jeer u joogsatay boob muran iyo dacwo kasoo laabtay kuraasta lagu doortay Muqdisho, Dhuusamareeb & Baydhabo.

Shirkan ayaa la rumaysanyahay inuu xal u noqon doono caqabadaha iyo qaladaadka ka jira doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo si weyn uga horyimaadeen hanaankeeda Midowga Musharaxiinta.

Hadda, marka la fiiriyo nooca doorasho iyo xaaladaha kale ee dalka ka jira, ma jirto wax ka fiican in deegaan doorashada lagu koobo hal magaalo,

Doorashada hal degmo doorasho ayaa ah xalka ugu fiican ee lagu dhameystirayo doorashooyinka Degmo kaliya ayaa ah mida xaqiijineeyso in lahelo amni ku filan doorashada ku dhacdah iyo waliba in ay dhaqaale badan ku badbaadaan gaar ahaan dhaqaale la’aanta heysata dowlada.

In hal deegaan doorasho lagu kobo waxaa kale oo ay albaabka u furi kartaa in ay yaraato ku tiirsanaanta baahida aadka ah ee loo qabo beesha caalamka iyo xataa maalgelinta ay marar badan u hakatay doorashada, waxaana la raaci doonaan qaab aad u dhow doorashada aqalka sare.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha doorashada, dardar-gelinteeda iyo hufnaanteeda, jadwalka waqti cayiman oo lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Somaliya.

Farmaajo iyo kooxdiisa villa Somaliya waa in aysan mar kale faragelin arrimaha doorashada, si somaliya doorasho loo dhanyahay oo xalaal ah uga dhacdo, loogana baxo xaaladan cakiran ee aynu mudada badan dhex muquuranaynay.

Sidookale Waxaanay uga digayaan madaxda maamul goboleedyada taageersan Farmaajo gaar ahaan Qoor qoor, Guudlaawe, iyo lafta gareen inay fashiliyaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran, madaama uu yahay rajada lagu saxayo doorashadan waqtiga badan soo jiitamaysay.

Shacabka soomaaliyeed ayaan ogolaan doonin in madaxda maamul goboleedyada taageersan Farmaajo ee Guudlaawe iyo Lafta-gareen iyo Qoorqoor ay fashiliyaan shirka. Farmaajo iyo saaxiibadiis waa in aysan mar kale faragelin arrimaha doorashada.

Waxaanu dalbanaynaa in doorashadu sida ugu dhakhsaha badan u qabsoonto oo ay noqoto mid xor iyo xalaal ah oo u adeegta dhammaan dhinacyada

 

Post a Comment

0 Comments