waxaa socdo qorshaha lagu soo celinayo askartii loo qaaday Eritrea oo in badan ay beenisey kooxda vilasomaliya

 

dib u soo celin ciidanki ka soo dagaalamey Tigray

Waxaa dhawaan dalka dib loogu soo celin doonaa ciidankii muranka badan dhaliyey ee tababarka loogu qaaday wadanka Eritrea, sida ay noo xaqiijiyeen Jeneraalo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Horaanta bisha soo socoto ee February ayaa la filayaa in ciidankaas la keeno Magaalada Muqdisho, waxaana loo diyaariyey in la dejiyo xerada Jeneral Gordan, halkaas oo wixii daganaa lagu amray inay ka guuraan.

Sida uu qorshaha yahay, Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay ciidamadaan dalka dib ugu soo celiso 2-3-da asbuuci ee soo socda haddii aysan waxba iska beddalin qorshaha iyo dadaalka hadda socda, sida aan ogaanay.

Qorshihii ugu horreeyey ee ciidamadan ayaa ahaa in dalka dib loogu soo celiyo Bishii September ee sanadkii hore, balse waxay dib ugu dhacday arrimo la xiriira dhanka Diblomaasiyadda.

Hay'ado caalami ah ayaa markii ugu horraysay xaqiijiyay in maleeshiyaad soomaali ah ay qaab calooshood ushaqeystanimo uga dagaallamayaan dalka Itoobiya

Tuhunka ku saabsan in xukuumada Asmara ay maleeshiyaat Soomaali ah oo lagu tababarayey dalkeeda ku daabushay gobolka Tigreey ee waqooyiga dalka Itoobiya, si ay uga qeyb qaataan duullaankii ballaarnaa ee lagu qaaday jabhadda TPLF, wuxuu soo bilowday muddo hadda laga joogo ku dhawaad hal sano, balse dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marwaliba oo uu sii xoogeysto tuhunkaas gaashaanka u daruuri jirtay, halka dhanka kalena ay isa soo tarayeen caddeymo caksi ah oo muujinaya in aanan faro lagu heynin askartii loo qaaday Eritrea.

Warbixinta kasoo baxday gudiga xuquuqul insaanka ee QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in marqaatiyaal badan ay xaqiijiyeen in askar Soomaali ah lagu arkay magaalooyin ku yaalla dalka Itoobiya "waxaa sidoo kale naloo soo sheegay in dagaalyahano Soomaali ah ay hadda joogaan hareeraha magaalada Aksum” ayaa lagu yiri warbixinta.

DF Soomaaliya ayaa dhowr jeer dafirtay eedeymaha ku aadan in maleeshiyaat ay tababar u geysay dalka Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalkii lagu qaaday gobolka Tigree islamarkaana ay dhalinyaro badan oo Soomaali ah ku halaagsameen dagaaladaasi, balse qoysaska ay ka dhasheen askartaas lagu qamaaray ayaa ku dhawaad muddo sanad ah hortaagnaa warbaahinta, iyagoo aaminsan in wiilashooda ay ku le’deen dagaaladaasi.

Kooxda Farmaajo ayaa maleeshiyaatkan markii ay diiwaan gelineysay ku qancisay in loo qaadi doono dalka Qatar, balse markii la diiwaan geliyey kadib ayaa looga baxay ballanka, islamarkaana loo daabulay dalka Eritrea waxaana lagu qanciyay in ay noqon doonaan askar katirsan dowladda balse ugu dambeyntii Eritrea ayaa markale uga baxday ballankii, islamarkaana ka dhigatay adoomo ay u adeegsatay qamcinta maleeshiyaatkii Tigreega ee TPLF.

Waxaa cad in Farmaajo uu beenaale yahay sidii caadada u ahayd kadib markii uu beeniyey warkii ka soo baxay wargeysyada Canada oo uu sheegay in uu dacweyn doono arrintaas darteed oo uusan qaadin tillaabo uu ku cadeynayo saxnaanta mowqifkiisa.

Farmaajo waa kii askartan u diray inay ka qayb qaataan dagaalka Tigray ee ma ahayn tababar sida la sheegay.

Tirada askarta ayaa gaaraya ilaa 10-kun oo askari ma ahan 5200 oo askari, waxaana lagu magacaabaa Farmaajo, waxaana ciidamadan ku jira ciidamo badan oo calooshood u shaqeystayaal ah oo Farmaajo ka agdhawaa askarta la afduubtay.

Nasiib darro askartu waxay gaysteen xasuuq iyo dambiyo uu sharciga caalamiga ah ku ciqaabayo dagaalkii Tigray ee calanka Farmaajo sitay

 


Post a Comment

0 Comments