Farmaajo ayaa maalin walba kulamo la qaata saraakiisha ciidamada daacada u ah isaga oo qaarkood u dalacsiinaya inqilaabka si sharci ah.

 

farmaajo oo maleegaayo afgambi


Guddiga doorashada heer federaal ayaa ka guddoomay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed inta badan galka ergada dhawaan lagu soo doortay dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo caasimadda Muqdisho..

Guddiga ayaa ka guddoomay guddiyada doorashooyinka Somaliland, Banadrien iyo Galmudug ilaa 102 xubnood oo ka kala socda labada aqal ee baarlamaanka..
Guddiyada dowlad goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku wareejiyay dhammaan xogta iyo faylalka ergada laga soo doortay gobolladooda, halka Jubaland ay ku wareejisay ergadii lagu soo doortay hal degmo oo doorasho oo kaliya, iyadoo deegaankii doorashada uu ku harsan yahay gobolka Gedo..
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaan wax faylal ah ku wareejin xubnaha la doortay ee maamulkiisa.
15-ka March 2022 ayaa lagu waday in ay soo gaba gabeyso doorashada Baarlamaanka, balse dib ayaa loo dhigay, waxaana taasi sabab looga dhigay dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira Jubbaland iyo Hirshabeelle..

Iyadoo Farmaajo uu dadaal badan ugu jiro sidii uu doorashada u baajin lahaa, isla markaana uu u kordhin lahaa xilka madaxtinimo, isagoo adeegsanaya cudud hubeysan

Ogow shirarka uu Farmaajo maalin walba la qaato madaxda ciidamada daacadda u ah, dalacsiinta qaar ka mid ah kuwa daacadda u ah iyo xil ka qaadista dadka ka soo horjeeda waxay xaqiijinayaan inuu qorsheynayo tillaabo ciidan oo weyn muddooyinka soo socda..

Sidoo kale, Farmaajo oo ku guul dareystay inuu ku dhawaaqo inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ilaa hadda cadeyneysa inuu jiro qorshe kale oo uu ku doonayo inuu xilka ku kororsado..

Cadeymahan ayaa ah in Al-shabaab ay weerarro iyo dilal ay u geysanayaan dadka kasoo horjeeda ay qeyb ka yihiin qorshihiisa, maadaama uu doonayo inuu dalka fowdo ka sameeyo, isla markaana uu carqaladeeyo rabitaanka beesha caalamka ee ah in doorashada la soo afjaro..

Weerarkii Al-Shabaab ee xarunta Xalane iyo Nysa oo ku dhawaaqday howlgalo cusub oo lagu beegsanayo shisheeyaha dalka ka socda, ujeedaduna tahay sidii dalka looga saari lahaa si ay ugu fududaato fulinta qorshaha Farmaajo uu ku doonayo in xukunka looga tuuro, xukunkana uu ku kororsado..

Post a Comment

0 Comments