Isbaheysi ka dhan ah shacabka soomaaliyeed oo lagu abaabulayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Uganda

 

Villa Soomaaliya waxay noqotay xarun laga soo maleego dhagarta shacabka Soomaaliyeed xilligii Farmaajo.

Shir xasaasi ah ayaa xaly xarunta madaxtooyada, gaar ahaan Villa Uganda uga socda madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Mahdi Guuleed, Lafta Gareen iyo Mahad Cawad, sida ay ilo-wareedyo inoo xaqiijiyeen

Shirkan ayaa sida la sheegay looga hadlayaa ajendaha shir la qorsheeyey inuu 25-ka March ka dhaco magaalada Baydhaba, kaasi oo lagu dhigayo shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah beesha Hawiye.

Shirka Baydhaba ayaa markii hore u dhaxeeyey beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, balse waxaa caawa laga shirayaa in shirka laga soo qeyb geliyo Beesha Shanaad oo uu hoggaaminayo Fahad Yaasiin, si loo ballaariyo isbaheysiga la rabo in looga dhawaaqo Baydhaba ee Dir, Digil iyo Mirifle.

Farmaajo ayaa wadah qiyaamo ka dhan ah beesha Hawiye si uu u magacaabo qof isaga daacad u ah oo u ogolaada in mar kale la doorto

Farmaajo oo rajadiisa dib u doorasho ay tahay 0, ayaa isku dayaya inuu meesha ka saaro musharaxiinta madaxweyne ee Hawiye, taasi oo uu aamisan yahay in hadduu ku guuleysto uu xilka si fudud dib ugu qabsan karo.

Farmaajo waxa uu ka shaqeeyaa in qof ama qabiil uu ka hor istaago in mar kale la doorto sifo sharci darro ah, ha noqoto laaluush, hagardaamo, hanjabaad iyo xitaa dil.

Sidookale La-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya,Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo uu uga hortagay loolan xoogan oo la gelin lahaa isku dayga uu ku doonayo inuu ku noqdo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Fahad ayaa meesha ku saaray qorshe uu xildhibaan ku noqon lahaa taliyihii hore ee hay’adda NISA Jeneraal Bashiir Goobe, taasi oo sare u qaaday rajadiisa guddoon.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursiga HOP018 oo uu u sharaxnaa Bashiir Goobe ayaa loo asteeyay dumar, waxaana kusoo bixi doona qof uu isaga keensaday, taasi oo meesha ka saartay qorshihii xildhibaannimo ee Bashiir Goobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, in kursigan loo asteeyo dumar ayaa waxaa kaalin xooggan ku lahaa oo dadaal badan ku bixiyey Fahad, si aanu Bashiir usoo gelin golaha shacabka.

 

Post a Comment

0 Comments