Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo shaqada ka eryey xubno ka tirsanaa FEIT oo raacsan fahad yasiin

 

RW. Rooble oo Xilkii kaqaadey kuwii Fasaxay Kursiga Fahad Yaasiin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda  iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo

RW rooble waa ninka kaliya u leh in uu shaandheen ku sameeyo gudiga doorashooyinka waana ku taageersan nahay hadaanu nahay dhamaan umada soomaaliyeed cidwalibo oo taageero u ah qalalaasaha dalka waa in gacan bir ah lagu qabto

Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan  u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan  Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan  falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga  qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

Sii kororka tirada xerta Fahad Yaasiin, waxaa jira dad u baahan in la beddelo, sababtoo ah waxay carqaladeynayaan hannaanka doorashada ee gudaha Soomaaliya, waxaana ka mid ah Yuusuf Abdelkhayr Abdelnour, Abdel Nasser Mohamed Guled, Abdel Jabbar Abdullah Farah, Ahmed Dagal, oo lagu naaneyso Safiina. oo ka soo jeeda qabiilka Isxaaq, iyo sidoo kale Sacdiya Xasan

Waxaan ka codsaneenaa hadaanu nahay dhamaan shacabka soomaaliyeed  Ra’iisal Wasaare Rooble inuu xilka ka qaado oo uu ku beddelo dhammaan xubnaha ay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ku leeyihiin Guddiga Sare ee Doorashooyinka si ay laaluush u qaataan kuwaani waxa ay u soo istaageen in ay dalka jahwareer galiyaan



Post a Comment

0 Comments