Guddoomiyaha
guddiga fulinta doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle iyo mas’uuliyiin ka
tirsan guddiga ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Kismaayo, si ay u soo
dedejiyaan doorashada 16-ka kursi ee ka harsan Jubbaland oo lagu dooranayo
xubnaha baarlamaanka federaalka. Doorashada ayaa ka dhaceysa degmada CeelWaaq.
Farmaajo ayaa weli
doonaya inuu carqaladeeyo doorashada ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya. Waxa uu
hadda ciidamadiisa ku sugnaa Gedo u raray magaalada Ceelwaaq si uu u xakameeyo
doorashada Garbahaarey ka dib markii laga guuray khatarta ciidamadan.
Ciidamada farmaajo iyo fahad ee ku sugan gobolka Gedo ayaa qorsheynaya inay
tagaan magaalada Ceelwaaq, oo la filayo inay ka dhacdo doorashada 16 kursi oo
ka mid ah golaha shacabka, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ii
sheegeen jiis ayaa hogaaminaayo ciidankaas
Gobolka Gedo ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya
ciidamo taabaacsan kaligii taliye Farmaajo oo isugu jira xoogga dalka iyo NISA,
gaar ahaan qeybta Duufaan, waana mid ka mid ah sababaha maamulka Jubaland u
diiday inuu doroasho ku qabto Garbahaarey.
Farmaajo ayaa ah shaqsi aan la aamini karin kadib khudbadiisii ​​ugu
dambeysay, maadaama uusan ka bixin dhamaan balamihii uu sameeyay, sidoo kalena
uusan sii socon KarinFarmaajo waxa uu ciidanka u
adeegsadaa in uu ku xakameeyo hannaanka doorashada iyo in uu ku jabiyo
hannaanka siyaasadda dalka Gedo waxa loogu qaban waaye doorashada waaqaskiisa
0 Comments