Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qirtay inuu ciidamo Soomaali ah u dirayo dalka Eritrea

 

farmaajo

Xafladda xil wareejinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo isagoo ka hadlaya waxaa sheegey inuu Madaxweynaha la doortey ku wareejiyey ciidamo 5000 ah oo ku maqan dalka Eritrea. Farmajo aya sheegey inuu keeni waayey ciidankaan sababtoo ah Xaaladda siyaasadeed ee dalka waa sida uu hadlka u dhigay.

Farmaajo oo aan hal maalin ka hadlin tan iyo markii uu warkan soo baxay ayaa sheegay in 5,000 oo askari oo dhallinyaro ah loo daabulay dalka Eritrea, kuwaasoo dhameystay tababarkooda.

Farmaajo ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay indhaha ka qarsaday waalidkii dhalay carruurtiisa uu qoray, kuwaasi oo loo qaaday dalka Qatar ka hor inta aan lagu tuurin Eritrea.

Farmajo ayaa sheegey inuu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey Hawada, barnaamijka deyn cafinta, codsi xubinimada golaha amaanka qaramada midoobey iyo xeerka doorashada oo uu sheegey inuu ahaa mid dhib badan.

Farmaajo ayaa eritrea u diray in ka badan 10,000 oo askari ee ma ahayn 5,000 sida dhawaan la sheegay iyadoo ay ogyihiin Taliyaha Ciidanka odowaa yuusuf iyo Fahad Yaasiin

askartaan ayaa ka qayb galeen dagaalkii Tigray ee dhinaca ciidamada Itoobiya askarta soomaalida ayaa xasuuq iyo gabood fallo ka dhan ah bani’aadantinimada kala kulmay shacabka itoobiya iyadoo uu wax ka og yahay madaxweyne farmaajo sida lagu sheegay warbixinno dhowr ah oo caalami ah oo uu shaqsi ahaantiisa horay u beeniyay

Farmaajo:5 kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn Doorashada Dalka taasi oo muujisey in uu yahay nin aan waajihi Karin umada soomaaliyeed

 

Post a Comment

0 Comments