Ra’iisul wasaare Rooble oo shaqa ka joojin ku sameeyey Wasiirkii Arimaha dibadda Iyo wuxuu ku eedeeyay

 

rooble

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqa joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, maalin kadib markii uu madaxtooyada isaga baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay inuu go’aankan la xiriiro warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Ra’iisul wasaare Rooble oo baabi’iyay warqada lagu fasaxay markabkaas ayaa dhinaca kale ku amray hanti-dhowrka Qaranka iyo Wasiirka Amniga iney baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan wasiirka oo ay u gudbiyaan hay’adaha garsoorka si talaabo sharci ag looga qaado.

Xil ka qaadista Roobley uu ku sameeyay Wasiirka oo loo gudbiyay Maxkamad ayaa ku timid musuq maasuq iyo ku takri fal uu sameeyay, taasi oo ka soo horjeeda sida uu sharcigu dhigayo.

Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa isku dayaya inay dalka bililiqaystaan ​​ka hor inta aysan si rasmi ah isu casilin Waxaa cadeyn ugu filan musuq maasuq uu sameeyay wasiirka arimaha dibada ee daacadda u ah Farmaajo oo qaatay go’aano sharci darro ah, lana amray in baaritaan lagu sameeyo.

Lifaaqa hoose ka Akhriso Warqadaha  kasoo baxday  Rooble.



Post a Comment

0 Comments