F C Bayen Munichoo heshiis la gaartay xiddiga kooxada liverpool ee Sadio Mane,

 




Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa heshiis la gaadhay xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane, maalin kaddib markii ay Liverpool si rasmi ah u shaacisay heshiiska ay kula soo wareegtay weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez.

Bayern Munich ayaa shalay gudbisay dalabkii saddexaad ee ay ku doonayso Sadio Mane, kaas oo la rumaysan yahay in uu buuxinayo shuruuddii ay Liverpool ku xidhay iibka xiddigeedan oo hore ugu war-geliyey in uu doonayo in la iibiyo xagaagan, kaddib lix sannadood oo uu joogay Anfield.

Kooxda reer Germany ayaa si weyn u doonaysay Mane tan iyo bilowgii xagaaga, waxaana la tuhunsanaa in ay jireen wada-hadallo qarsoodi ahaa oo dhex-maray ka hor intii aanu laacibkani kooxdiisa Liverpool ku wargelinin in uu ka tegayo finalkii Champions League ee bishii May.

Sida uu xaqiijiyey wariyaha Talyaaniga ee Fabrizio Romano, Bayern Munich ayaa hadda heshiis shaqsi ah la gaadhay Sadio Mane, waxaanay hadda u hadhsan Liverpool oo iyadana ay wada-hadallo gabogabo maraya u socdaan.

Heshiiska Sadio Mane iyo Bayern Munich ayaa ah saddex sannadood oo uu ku helayo mushahar aad uga badan midkii ay siin jirtay Liverpool oo la rumaysan yahay in sababaha uu uga tegayo Anfield ay qayb ka tahay lacag yaraantu.

 

Post a Comment

0 Comments