Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ku mashquulsan carqaladeenta la xisaabtanka Wasiir Beyle

 

farmaajo

Wasiir Beyle wuxuu weli jawaab u la'yahay malaayiintii Dollar ee ay dhaceen isaga iyo Farmaajo. Gurya waaweyn ayuu wasiirku kadhistay Boorama iyo Hargeysa, halka Farmaajo oo qaatay in kabadan lacagta Wasiirku qaatay uu is qabbeynayo oo uu iska dhigayo nin faramaran oo aan dalka xoolihiisi dhicin.

Wasiirka ayaa maalintii saddexaad su'aalo lagu weydiinayaa golaha shacabka mana jirto ilaa iyo hadda hal su'aal oo uu uga jawaabay si waadax ah.

Wasiirka Maaliyadda oo hadallo badan oo is khilaafsan ka soo saaray Farmaajo iyo dowladiisa ku takri falka iyo lunsashada hantida qaranka waa in Baarlamaanka cusub waa in uu mid mid ula xisaabtamaa cid walibo oo lunsatey hantidhii shacabka Baarlamaanka doorka saxda ah

waa in ay baaraan oo la xisaabtamaan xukuumaddii horey iyo Baarlamaankii horey se waxaa is weydiin mudan baarlamaanka cusub ee 11-aad ee Soomaaliya miyuu si sax ah u sameeyn doonaa wixii aan rabnay inay qabtaan

musuqmaasuqa ay ku kuceen farmaajo iyo dawladiisa waxaa kamid ah ansixin la’aanta miisaaniyadda 4sano ee la soo dhaafay.

Lacag dayn ah oo dhan 193 Milyan oo laga soo daynsaday IMF oo aan la soo marsiin golaha sharici dejinta. Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sheegay in marna miisaaniyad aan la keenin aqalka sare.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ayaa sheegtay in miisaaniyad aan laga ansixin golaha laga soo bilaabo2018 ilaa 2021. Wasiir Beyle 193 milyan oo deyn dulsaar leh ayaa lagu heystaa oo aan Baarlamaanka la keenin 2020-2021 iyo in aanu codsan Xisaab xirka 4-tii sano ee ugu dambeysay!

Beyle wuxuu eedda ugu badan ujeedinayay Guddoonkii hore Golaha Shacabka oo ka qaban jiray xisaab xirka Miisaaniyadda, balse aanay Baarlamaanka u soo gudbin jirin. Mursal iyo Muudeey iyo farmaajo oo hoos hoosey ku wadeen howsha dhan!

Baarlamaanka cusub waa in uu si shaqsi ah ula xisaabtamaa Farmaajo iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka miisaaniyadihii hore iyo waxyaabihii ay musuqmaasuqeeyeen Baarlamaanka waqtigu ka dhammaaday.

Taarikhda Soomaaliya Kaligii taliye Farmaajo 2017-2022 wuxuu ahaa kii ugu musuq-maasuqa badnaa, qabyaalada & hantidii Soomaaliyeed ee uu dhacay in ka badan adeerkii Siyaad Barre iyo 5-tii sano ee u danbeyay miisaaniyada dalka lama xisaabin.

Farmaajo waxa uu bililiqeystay lacagihii Soomaaliya balse waxa uu ka tagay Beile dhibaato, si uu Baarlamanaka kaliya u baaro. Sidoo kale Farmaajo wuxuu u baahan yahay baaritaan iyo baaritaan dhab ah. Waa in la joojiyo dhaqanka isla xisaabtan la’aanta Soomaaliya.

Farmaajo ayaa bilaabey in uu adeegsado xilibaanada daacadda u ah sida Wasiir Khadiija Diriye , Yaasiin Fary iyo inta kale ee saraakiisha NISA in ay qalalaase ka abuuraan Baarlamaanka si ay saameyn ugu yeeshaan xukuumadda cusub

Ummadda Soomaaliyeed waxay doonaysaa in la helo dawlad hufan oo la xisaabtanta ciddii aan u qalmin hoggaaminta annaga iyo dalkeena. Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan dastuur dimuqraadi ah oo u baahan in lala xisaabtamo dadka wax u qabta maamulka. Dadka Soomaaliyeed waxay jecel yihiin...

 



Post a Comment

0 Comments