Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shaaciyay in dawladii farmaajo ay kaga tagey khasnad Madhan

 

Beyle oo soo bandhigey tuug nimadii farmaajo

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku dhawaaqay in dowladda cusub ay dhaxashay Khasnad “Madhan”, isagoo ka dhawaajiyay in lacagtaas xad dhaafka ah la xaday xilligii dowladdii Farmaajo.

Muuqaal laga soo duubay ayuu Wasiir bele ku beeniyey eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn oo baraha bulshada kasoo baxay oo ahaa in Farmaajo uu ka tagay khasnadda dowladda oo lacag ka buuxdo, wuxuuna caddeeyay in Farmaajo uu qasnada dowladda uga tagay lacag la’aan.

Farmaajo mar walba waxa uu ka been sheegaa mowduuc kasta oo uu ka hadlo, hadaba aaway cadeymihii uu u haayo lacagta uu sheeganayo in uu kaga tagey khasnada dowladda marka uu dhamaado waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa? 5 sano ee lasoo dhaafey meeye xisaab xerkiisa?

Hadalkaan oo imaanaya warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa sheegaya in farmaajo iyo kooxdiisa ay ka tageen lix bil mushaarkooda taasoo ka careysiisay wasiirka maaliyada kooxda farmajo ayaaa wadaan been abuur aan sal iyo raad toona laheyn oo lagu sumcad dili rabo dowlaadda cusub ayna tahay in wax laga qabto inta aysan bulshada aysan dhibaateen kooxdaan maafiyada ah waa in maxkamad la soo taaga

Farmajo iyo kooxdiisa ayaaa hore u qaaten lacagtii ku jirtay qasnada dowlada waxayna hada ku qarinayaan guriga farmajo oo uu degan yahay waxayna rabaan in ay guri ku dhistaan ama ay bankiga ay ku shubtaan iyadoo laga dhigaayo in shacabka soo aruuriyeen ayna ugu tala galeen in guri loogu dhiso farmajo taasoo shacabka ogaadeen waa in hay'addaha ku shaqada leh ay horkeenan kooxdaan maafiyada ah cadaalada

Farmaajo waa in baaris lagu sameeyaa oo lagu la xisaab tamo musuqmaasuqa iyo wax-is-daba-marinta ay dawladiisu 5sano ee la soo dhaafey ay ka shaqeeyneesey iyo dambiyadii kale ee uu umada ka galey

Post a Comment

0 Comments