Farmaajo iyo kooxdiisa oo sii wadah ololahooda ay ku dhaqaayaan lacagtii Qatar

 

ololahii kooxda farmaajo

Taageerayaasha Farmaajo ayaa weli sii wada ololahooda dhaqaale ee ‘Mahadsanid Madaxweyne’ iyagoo sheegay in magaalada Muqdisho laga dhisay guri qurux badan oo uu leeyahay madaxweynihii hore oo ay ku tilmaameen inuu yahay go’aan wanaagsan. Farmaajo ayaa si shaqsi ah u taageeray ololahan oo dadka u ololeeya ay ku tilmaameen olole cusub oo lagu bililiqeystay lacagaha dadka masaakiinta ah, laguna qarinayo musuq maasuqii hore.

Ololaha tabarucaadku ay wadaan kooxda n&n wax kale ma aha ee waa daboolka lacagta lagu dhaqaayo ee kooxdaas Farmaajo iyo nidaamkeeda

Iyadoo aan oganahy in meelaha qaar wax la cabo laga la yahay abaaraha jiro awgood waxaan aad uga xumahy in ninkii farmaajo ahaa uu rabo inow qaato lacagta masaakiinta loo waday waa xishood daro aad uweyn farmaajo xitaa hadaa naftaada ka xishooneyn masaakiinta ka xishoo.

Musuq maasuqa Farmaajo iyo wax is dabo marintiisa ayaa lagu sheegay warbixinada uu soo saaray hanti dhowrka maaliyadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa lagu sheegay kiiska canshuur lunsiga Mareykanka oo Farmaajo uu been abuur ku sheegay inuu ka tanaasulay dhalasho

Sida uu hadalka u dhigay stephen squartz safiirka maraykanka ee soomaaliya oo bishii April ee la soo dhaafay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri fahad yaasiin iyo dowladda qatar oo dhaqaale ku bixisey waxay u beddeleen sirdoonka qaranka somaliyeed mid ka mid ah agabka aasaasiga ah ee madaxweyne farmaajo ku xad-gudbay dastuurka soomaaliya iyo burburinta nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka ka jira ee salka ku haya xil wareejinta nabadeed

 

Post a Comment

0 Comments